Sheekh Shaakir oo ka hadlay sida ay u arkaan heshiiska ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0
17

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug isla markaasna ka tirsan hoggaanka Ahlu Sunna Wal-Jameeca Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa soo dhaweeyey waraaqdii kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee lagu sheegay heshiiska dhex maray Ahlu Sunna iyo Dowladda Dhexe.
Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay inay heshiiskaas saxiixeen iyagoo u tanaasulayo shacabka Galmudug isla markaasna ay aqbaleen inay soo xulaan 20 ka tirsan Xildhibaanada Galmudug.
Shiikh Shaakir ayaa dhammaan Culumada Ahlu Sunna uga mahadceliyey dadaalkii ay ku bixiyeen heshiiska ay wada gaareen iyaga iyo Dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale Beesha Caalamka ayuu uga mahadceliyey dadaalka ay ku bixiyeen sidii heshiiskaan loo gaari lahaa.
Ugu dambeyntii Shiikh Shaakir ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay inay kawada qeyb qaataan dhismaha Maamulka Galmudug.
Halkaan hoose ka akhriso waraaqda Ahlu Sunna kasoo baxday
 





SOURCE: Sheekh Shaakir oo ka hadlay sida ay u arkaan heshiiska ay soo bandhigtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.