Masuuliyiintii urrurka Ahlu-Suna Wal-Jameeca ee ka talin jirey deegaano ka mid ah maamulka Galmudug ayaa ku xayiran magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Masuuliyiintaan iyo maleeshiyo taabacsan ayaa laga saaray magaalooyin Dhuusamareeb iyo Guriceel bishii Febraayo iyaga oo dowladda isku dhiibay kadibna loo ogolaaday in aay ‘iskood isku tarxiilaan’.
Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa wareysi la yeelatay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan isaga oo sheegtey inuu yahay madaxweynaha Galmudug.
Hoos ka daawo wareysiga oo dhinacyo badan taabanaya oo uu qaaday Yaasin Ciise Wardheere.