Shil gaari dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Garowe

0
26

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Sinujiif oo qiyaastii 60KM dhanka bari kaga beegan magaalada Garowe.

Shilkan gaari ayaa waxaa ku dhintay afar ruux oo saddex ka mid ah ay dumar yihiin, halka midka afaraad uu yahay Rag.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Taliye kuxigeenka qeybta Booliska Gobolka Nugaal Cismaan Buraale uu dhaawac fudud ka soo gaaray shilkaas gaari.

Meydadka afarta ruux ee shilka ku geeriyooday ayaa la geeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Garowe.






SOURCE: Shil gaari dad ku dhinteen oo ka dhacay duleedka Garowe

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.