Shir Madaxeedka Al Bashir Iyo Sisi Waxaa Looga Doodi Doonaa Arrimaha Gobolka Iyo Kuwa Caalamiga Ah

0
281

Madaxweynaha Masar Abdul Fattah Al-Sisi ayaa maanta gaaray Magaalada Khartuum ee caasimadda Suudaan, waana booqashadiisii ugu horreysay tan iyo markii uu ku guuleystay doorashooyinka madaxtinimo markii labaad.
Labada Madaxweyne ayaa waxay uga doodi doonaan Shir madaxeedka Faylalka ku saabsan Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha amniga ee ka dhaxeeya labada dal.
Waxyaabaha kale ee looga doodi doono Shir Madaxeedka iyo kulamada wadajirka ah waxaa ka mid ah arrimaha labada dhinac, iyo dhanka arrimaha badda cas, amniga biyaha, goodinnada gobolka, arrimaha Koofurta Suudaan iyo Libya, arrimaha Falastiin iyo Suuriya.
Sidoo kale waxaa lagu soo qaadan doonnaa wadahadallada heshiiskii ay saxiixdeen labada waddan iyo horumarka wadahadalladii labada dhinac ee Koofurta Suudaan, halka wasiirrada biyaha, Waraabka iyo Korontada ee labada dal ay qaadan doonaan kulammo labo geesood ah.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Shir Madaxeedka Al Bashir Iyo Sisi Waxaa Looga Doodi Doonaa Arrimaha Gobolka Iyo Kuwa Caalamiga Ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.