Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo goor dhow ka furmay Jabuuti

0
2

Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo uu
soo qaban qaabiyay Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ayaa goordhow
waxa uu ka furmay Guriga Ummada ee dalka 
Jabuuti.

Shirka ayaa 
waxaa ka qeyb galaya in ka badan 150 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin ka
socota dowladda Jabuuti, dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad deegaanka
Soomaalida, Soomaaliland, Ururada Bulshada Rayidka iyo marti sharaf ka socota
dhammaan deegaannada Soomaalida.

Ajandaha Sanadkan ee lagu lafa gurayo Madasha
Aragti Wadaagga ayaa ah Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika  Dabar-Furidda Awoodda Dadka si Loo Gaaro Horumar Guud.

Wafdiga dowladda Soomaaliya shirkaasi uga qyeb-galaya ayaa waxaa kamid ah,Wasiirka,Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad,Wasiirka Maaliyadda Cabdiarxmaan Ducaale Beyle iyo Xildhibanao ka tirsan Golaha Shacabka.






SOURCE: Shirka Madasha Aragti Wadaagga Soomaalida oo goor dhow ka furmay Jabuuti

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.