Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtey deeqo waxbarasho.

0
436

jowhar Somali News Leader
Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay Deeq waxbarasho oo ay ka faa’iideyan doonaan ardayada Soomaaliyeed ee dhammeysta waxbarashada dugsiyada sare ee dalka.
Ujeedka Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in Hormuud telecom kaqaybqaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare.
Deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho
Habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqada waxbarahso ee Hormuud ayaa ah imtixaan lagu gelayo 11 maaddo kaas oo ay ka qaybgelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo soddonka arday ee ugu sareysa tiradaas labada boqol ah ay heli doonaan deeqdan waxbarasho ee Hormuud.
Soo bandhigga Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud waxaa kaqaybgalay Wasiiro, Xildhibano, agaasimayaal, gobolka Banaadir, culimo, ganacsato, ururada bulshada iyo marti badan oo kaladuwan
Basma Caamir guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay Barnaamijka deeqada waxbarasho ee Hormuud uu yahay mid muhiimad gaar ahaaneed u leh dadka Soomaaliyeed ayna gobol ahaan dhiirrigelinayaan shaqada iyo howlgalka Hormuud, waxa ay sheegtay u soo jeedisay Hormuud in ardayada aan helin waxbarashada heerka jaamacadda ee kaqalin jebisay dugsiyada sare xilli hore ay muhiimad gaar ahaaneed siiso ardaydaas.
Jawaahir Baarqab oo kuhadashay magaca haweenka gobolka Banaadir ayaa sheegtay in ay haween ahaan aad ugu faraxsan tahay kaalinta horumarinta waxbarashada iyo soo bandhigidda Barnaamijka deeqada waxbarasho oo ay sheegtay in ay door muhiim ah ka qaadan doonto dhiirrigelinta waxbarashada dugsiga illaa jaamacadda.
Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ku hadlay magaca bulshada rayidka ayaa kasheegay munaasabadda in lacagtu aanay ahayn oo keli ah qaadasho balse ay soo celinna ay jirto sidaas awgeedna ay tahay in canshuuraha iyo lacagaha ay qaataan shirkadaha ganacsiguna ay tahay in bulshada dib loogu celiyo sida Hormuudba ay sameysay.
Aamaina Xaaji Cilmi oo kahadashay munaasabadda ayaa sheegtay in ay soo dhoweyneyso soo bandhigidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ee Shirkadda Hormuud iyada oo dabatay in sida gabdhuhu ugu horreeyaan waxbarashada ay tahay in ay xagga shaqadana ugu horreeyaan.
Guddoomiye kuxigeenka Rugta ganacsiga Soomaaliyeed Cabdiraxmaan Galaanbe oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in soo bandhigidda Barnaamijkani uu kadhigan yahay rajo weyn oo ay helayaan ardayada Soomaaliyeed sidaas awgeedna ay ardayda ka faa’iideysn doonta barnaamijkan ay iyagana waajib ku tahay in sida loogu tabcay ay tahay in iyaguna ay ugu tabcaan dalka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha guddiga ganacsiga ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa sheegay in Barnaamijka deeqada waxbarasho uu muujinayo rejo iyo yididiilo weyn oo kaalin fiican ka qaadan karta waxbarashada
Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac taliyaha ciidanka Usluubta ayaa sheegay in marka ay dareemaan culeys soo wajahaya tusaale ahaan Usluubta oo kale ay la xiriiraan Hormuud Foundation, waxa uu codsaday in waxbaridda dhallinyarada xoog badan la geliyo si looga baaqsado dhibaato ay sameeyaan dhallinyaradu.
Waxa uu si gaar ah u codsaday in dhallinyarada kujirta laamaha kaladuwan ee ciidanka qalabka sida ay hesho waxbarasho isaga oo sheegay in waxbaradda dhallinyaradaasi ay kaalin weyn ka qaadan doonto hagaajinta nabadgelyada iyo in jidadka si fiican loogu shaqeysto.
Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxbarasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud kuwaas oo lagu beddelay dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar.
Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka
Faysal Cumar Guuleed wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada oo Hormuud uga mahadceliyey soo bandhiggidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ayaa sheegay in waxaasarradda waxbarashadu ay kujirto dadaal ballaaran oo dib loogu hagaajinayo waxbarashada, waxa uu sheegay in wasaaraddu diyaarineyso dhismaha guddiga tacliinta sare, taasina ay fududeyn doonto hagaajinta tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada.
Eng: Cabdi Cashuur Xasan wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo teknoolajiyadda ayaa sheegay in Hormuud Telecom ay kadhabeysay magaca ay sidato ee Isgaarsiineed isaga oo weydiistay Hormuud in dhallinyaro badan oo halabuur iyo waxbarasho fiican leh ay la’yihiin meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkooda sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhismaha meel ay kusoo bandhigaan hal-abuurkeeda, isaga oo kudhiirrigeliyo shirkadaha kale in Hormuud tusaale u noqoto si iyaguna ay kaalintooda u qaataan.
Soo bandhigidda iyo hirgelinta ololayaal nuucaan ah ayaa kaalin libaax ka qaadan kara sidii ay kumanaan arday oo Soomaali ah oo dhammeeyey dugsiga sare balse awoodi waayey qarashka jaamacadda ay ku heli lahaayeen fursad ay ugu biiraan Jaamacadaha.

#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item1 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-1-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item2 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-3-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item3 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-4-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item4 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-5-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item5 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-6-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item6 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-7-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item7 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-8-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item8 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-9-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item9 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-10-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}
#td_uid_1_5cc1f89bb56c3 .td-doubleSlider-2 .td-item10 {
background: url(https://www.jowhar.com/wp-content/uploads/2019/04/kulan-hormud-11-80×60.jpeg) 0 0 no-repeat;
}

Hormuud oo soo bandhigtey Deeq Jaamacadeed

1 of 10

The post Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtey deeqo waxbarasho. appeared first on Somali News Leader.




SOURCE: Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtey deeqo waxbarasho.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.