Shirkii Amniga Oo Baaqday Iyo Aqalka Sare Oo Wado Dadaallo Bad-baadin Ah

0
339

Waxaa maanta baaqday shirkii amniga uu horay ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Shirkan ayaa waxaa uu qorshuhu ahaa inuu Muqdisho ka dhaco September 17- 18-ka, si looga arrinsado amniga iyo xaaladaha uu dalku ku jiro.
Farmaajo ayaa shirkaasi amniga ku baaqay kadib war murtiyeedkii ay Kismaayo ka soo saareen golaha iskaashiga dowlad goboleedyada kaas oo ay ku hakiyeen wada shaqeynta kala dhaxeysay dowladda federaalka ah.
Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shuruud ku xiray inay yimaadaan miiska wada hadalka, waxaana shuruudda ka mid ah: in la helo daraf seddexaad oo dhex-dhexaadiya iyaga iyo dowladda, marqaatina ka noqda fulinta ballan-qaadyada.
Dhinaca kale, Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa wufuud u kala diray dowlad goboleedyada si xal looga gaaro khilaafka hareeyey dhinacyada kala duwan iyo bad-baadinta dowladnimada Soomaaliya.
Goobjoog News
 




SOURCE: Shirkii Amniga Oo Baaqday Iyo Aqalka Sare Oo Wado Dadaallo Bad-baadin Ah

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.