Sidee ayuu hadalkii Saciid Deni u saameyn karaa midnimada Soomaaliya?

0
316

Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyaga cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareysi dheer siiyey BBC oo uu uga hadlay arrimo badan.Wareysiga uu Deni bixiyey oo ahaa kii ugu horreeyey tan iyo markii la xushay salaasadi, ayuu uga hadlay waxyaabaha uu doonayo in uu maamulka Puntland ka qabto, arrimo la xiriira Somaliland iyo dowladda Federal-ka ah.Arrinta Somaliland ee uu ka hadlay ayaa ku saabsaneyd muranka dhulka ah ee u dhexeeya labada dhinac, isaga oo sheegay in Somaliland soo xadgudubtay oo ay tahay in ay dib ugu laabtaan fariisimahooda ama waqtiga uu celin doono (Dagaal).Hadaba muxuu saameyn ah oo uu yeelan karaa hadalkaas, sidee uu u dhaawici karaa midnimada Soomaaliya?Caadiyan Puntland waxa ay caqabad ku ahayd dowladnimada Soomaaliya, iyada oo ay xukumadaha Villa Somalia dhibaato iyo is jiid jiid siyaasadeed kala kulamayeen hoggaan kasta oo soo maray maamulkaas.Hase ahaatee, hadalka Deni ee ku soo aaday isaga oo aan maalmo joogin waxa uu collaad ka abuuri karaa Gobolada Sool, Sanaad iyo Cayn.Sida la ogyahay Puntlad ilaa iyo 2007 gacanta kuma ahayn magaalada Laascaanood oo ah xarunta Gobolka Sool, taas oo muujieysa sida shacabka deegaankaas ay ugu qaacsan yihiin Somaliland.Hadalka Deni waxa uu meel xun dhigi karaa wadahadalka u socda ama la rabo in la dardar galiyo ee Soomaaliya iyo Somaliland, maadama waxa wada hadalyada ay yihiin goboladii Waqooyi oo maamul sameystay iyo Soomaaliya-da Koonfuureed.Haddii Deni ku adkeysto hadalada xanafta leh ee uu hawada u marinayo Somaliland, waxaa ka dhalan kara dagaal taas oo meesha ka sii saari doonta wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.Deni waxaa habboon in uu ku ekaado maamulkiisa oo uusan dhibaato ku noqon midnimada umadda Soomaaliyeed.Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com




SOURCE: Sidee ayuu hadalkii Saciid Deni u saameyn karaa midnimada Soomaaliya?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.