Siilaanyo oo xilka si rasmi ah ugu wareejiyey Muuse Biixi

0
112

Muuse Biixi Cabdi oo doorashadii bishii hore kaga guuleeystay Cabdirahmaan Ciro ayaa xilka si rasmi kagala wareegay maanta  Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo soo hayey hoggaanka Somaliland 7 sano.

Munaasabadda xilka lagula kala wareegayey waxaa kasoo qeybgalay madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland  Daahir  Riyaale Kaahin, madaxweyne-ku-xigeennadii soo maray Somaliland, guddoomiyayaasha labada gole,  siyaasi Feysal Cali Waraabe iyo Prof. Cali Khaliif Galeyr oo ahaa hogaamiyihii hore ee  maamulka Khaatumo, kaas oo isku dhiibay Hargeysa dhowwaan.

Muuse  ayaa balan-qaaday in uu si daacad ah u gudan doono waajibaadka saaran isla markaana shanta sano ee soo socta ku hoggaamin doono Somaliland niyad wanaag iyo hormar, in kasta oo laga baqayo in uu wakhtiga badsado sidii Siilaanyo.

Dowladda dhexe ee dalka ayaan wax wafti ah usoo dirin munaasabadda xil-la wareegida madaxweynaha 7-aad ee maamullada dalka ka jira, in kasta oo wufuud heerkoodu hoose aay dowladdaha deriska iyo maamulladu usoo direen, Sida Ethioipia, Soomaaligalbeed, Jabuuti iyo Kenya.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.