SIMAD oo soo gabagabeysay Xuska 20-guurada aas-aaska Jaamacadda

0
9

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo gunnaanad u ahayd xuska 20 guuradii kasoo wareegtay aasaaska jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Munaasabada waxaa kasoo Qeybgalay Madaxweynii hore ee Jamhuriyadda Fedaralka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Xubnaha Golaha Sare ee jaamacadda, Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, dhaqanka, Culumaa’uddiin, bahda waxbarashada, Ganacsato, ururada bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda. 

Jaaamacada SIMAD ayaa waxaa la aas-aasay 6 November 1999 waqtigaas oo ay adkeed in ardada dugsiyada sare ee dalka kasoo qalinjabiya ay helaan waxbarasho sare. 

 Munaasabadaan ayaa gunaanad u ahayd munaasabado dhowr ah oo lagu qabtay guud ahaan maamul goboleedyada iyo waliba magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa aasaaska jaamacadda SIMAD laga xusay wadamo ay ka mid yihiin Turkey, Uganda, Kenya, Bangladesh iyo Malaysia. 

Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD Ustaad Dahir Hassan Arab ayaa daahfuray xaflada isagoona umahadceliyey cidwalbo oo garab istaagtay Jaamacad SIMAD muddada 20 sano ay jirto. Sidokale Gudoomiyaha jaamacada ayaa sheegay in jaamacadu ay higsaneyso hadafyo waaweyn in ay gaarto muddada 20 sano ee soosocota hadii alle idmo.

Sidoo kale waxaa munaasabada kalmad ka jeediyay Guddomiyaha Hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sheikh Bashiir Ahmed Salaad oo ku amaanay Jaamacadda Simad howsha Wanaagsan ay bulshada u hayaan wuxuuna kula dardaarmay Maamulka Jaamacadda iney sii wadaan shaqada ay bulshada u haayaan. 

Ganacsatadii kasoo qaybgashay munaasabadda ayaa sheegay in Jaamacadda SIMAD ay soo saarto arday waxtar wanaagsan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyahii 2aad ee Jaamacadda SIMAD ahaana Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka Soomaaliya haddana ah Xildhibaan ka tirsan Gollaha Shacabka, Ustaad Abdurahman Hussein Odawaa, ayaa Xusay in Maanta ay Jaamacadda kasoo gudubtay Caqabado fara -badan oo ku hor gudbanaa una dabaaldagayaan iney u dulqaateen oo u adkeesteen caqabadahaas ilaa ay ka guul gaareen. Waxa uuna sidokale sheegay in Jaamacada SIMAD marwalba ay utaagantahay soosaarka dad dalkan waxkabadalla una noqda hogaan wanaagsan.

Dhinaca kale Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Mr. Feysal Cumar Guuleed, ayaa sheegay in SIMAD ay kamid tahay Jaamacado fara ku tiris ah oo ku yaal dalka kuwaas oo tayo ahaan la jaan qaadi kara Jaamacadaha adduunka.

Sidokale waxaa kalmad kajeediyey xaflada Gudoomiyaha Gudisga Sare ee Jaamacadda SIMAD, Dr.Abdurrahman Al Muheylan, ayaa Hambalyo u diray qoyska SIMAD isagoo ku amaanay Maamulka Jaamacadda qaabka wanaagsan ay u ilaaliyeen Amaanadii lagu aaminay.

Gabagabadii waxaa munaasabada soo afmeeray Madaxweynihii hore Jamhuuriyada federalka Soomaliya ahaana Gudoomihii ugu horeeyey ee Jaamacadda SIMAD Mudane Xasan Sheekh Maxamuud asagoo u mahad celiyay dadkii ka shaqeeyay iney SIMAD 20 sano Jirsato. Waxa uu bogaadiyay hanaanka maamul ee Madaxdii uga danbeesay Jaamacadda. Waxa uu sidokale sheegay In sharaf weyn ay utahay meeshii uu wax ka aas-aasay in maanta ay 20 sano jirsatay. 






SOURCE: SIMAD oo soo gabagabeysay Xuska 20-guurada aas-aaska Jaamacadda

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.