Sirdoonka Axmed Madoobe oo ciidamo ka qoranaya guddaha dhulka Soomaaliyeed ee aay Kenya maamusho

0
71

Masuuliyiin ka tirsan ‘maamulka’ uu Axmed Madoobe hoggaamiyo ee Jubbooyinka iyo sirdoonkiisa ayaa bilaabay in aay ciidamo ka qortaan guddaha dhulka Soomaaliyeed ee aay Kenya maamusho [NFD].

Goobaha ol-olahaan aay ka biloowdeen waxaa ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, deegaanka Dhadhaab, Libooy, Kulan, Kulmis, Ceeldhaas iyo Ceel-Nuur. Sidoo kale deegaano hoostaga Mandheera ayaa lagu arkay shakhsiyaad bulshada ku dhiirigelinaya in aay ku biiraan ciidamada ‘Jubbaland’.

“Waxaan awalba ku dhibaneen argagixisada dhalinyaradeena marin habaabinaya hadana uma dulqaadan karno maleeshiyo dowladda Soomaaliya lagula dagaalamayo ineey wiilasheena lumiyaan”, ayuu yiri Cabdiraxmaan Xasan Aadan.

“Shalay subax ayaa odayaasha loo yeeray waxaana loo sheegay in loo ogolaado in wiilashu ku biiraan ciidamada si loo tabobaro aayna uhelaan muushaar dhan $200”, ayuu yiri oday ku sugan deegaanka Kulan oo u dhaxeeya Libooy iyo Dhadhaab. Waxa uu intaas ku daray in aay naftooda ucabsi qabaan aaysana raali ka ahayn in dhalinyaradooda la marin habaabiyo.

Sida uu usheegay Somali Information Center mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Jubaland ee taageersan Axmed Madoobe kuna sugan Dhoobley, waxaa magaalada ka furmaya tabobar ciidan oo balaaran. Waxa uu sheegay in hadda aay hayaan 250 dhalinyaro oo diyaar u ah in aay ciidamadooda ku biiraan isaga oo intaas ku daray in aay doonayaan in aay tirada gaarsiiyaan ugu yaraan 1000 dhalinyaro.

Axmed Madoobe ayaa saldhigtay magaalada Dhoobley maalmahaan, isaga oo isku dayaya in uu dhiso ciidamo uu dowladda Federaalka kula dagaalamo.

Maamulka uu Axmed Madoobe hoggaamiyo ayaa horaan jab weyn kala kulmay magaalada Beledxaawo. Ciidamo uu maamulkiisa geeyey magaalada Mandheera si aay  dagaal ugu qaadaan dowladda Federaalka ah ayaa geddooday iyaga oo koox-koox iskugu dhiibay dowladda dhexe iyaga oo wata hubkoodii. Ugu yaraan 83 maleeshiyo ayaa dowladda isku dhiibay iyaga oo loo gudbiyey degmooyinka kale ee gobolka Gedo.

Sarkaalka ku sugan Dhoobley ee lahadlay Somali Information Center ayaa sheegay in aay taageero balaaran ka helayaan dowladda Kenya sida hub, tabobar, sirdoon iyo dhaqaale, laakiin mar aan wax ka weeydiinay dhalinyarada aay ka qoranayaan gobolka NFD waa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.