Somaaliya: Dhismaha dhaqaale xoog leh miyaa kow ah! Mise ciidan xoog leh?

0
358

Muqdisho (Caasimada Online)-Gobalka Geeska Afrika waxaa si xowli ah uga socda beryaan dhismaha Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale xoogan oo wax looga bedelayo nolosha iyo horumarka Shucuubta Geeska Afrika, kadib markii ay is bedeshay Siyaasada Gudaha iyo Dibadda ee Ethiopia, Jabuutina furtay; Dekedo, Khad Train iyo Xarun Ganacsi Free ah, Eritreyana kusoo biirtay tartanka dhaqaalaha Gobalka, RW Abiy Ahmed na uu soo bandhigay qorshe looga guurayo Taariikhdii Cadaawada iyo Colaadaha Gobalka, laguna yareynayo Hubka iyo Ciidamada Gobalka, laguna dhisayo Siyaasad fur-furan, kaabiyaal Dhaqaale xoogan iyo fursado Shaqa abuur!
Dawladda Somaaliya ayaa 18 Sano dadaal dheer ugu jirta soo celinta iyo dib u dhiska Ciidankii Qaranka Somaaliya ee ugu tayada badnaa Geeska Afrika 1960 – 1990, lkn weli laguma guulaysan sababta ugu horreysana waa in uusan jirin Dhaqaale xoog leh oo lagu dhiso!
Madax ka tirsaneed dawladihii Madaniga iyo Kacaankii Oktober waxa ay ii sheegeen in Ciidanka lagu dhisay 1960 kii Miisaaniyada dawladda 40% , 1980 kiina la gaarsiiyey ilaa 60% Miisaaniyada dawlad faqiir ah oo ku tiirsaneed Mucaawino iyo Deymo shisheeye, halka kaalmada la siin-jiray na ay ugu badneed Hubka,
Tababarka iyo Qalabka Ciidanka, deeqaha waxbarashada dibadana ay ugu badneed tababarka Ciidanka, dib u dhacna uu ku yimid Mashaariicdii horumarineed, kaabayaashii dhaqaalaha iyo fursadihii shaqa abuurka! Intaas waxaa dheeraa reer Galbeedka oo kasoo horjeeday dhismaha Ciidan Xoog leh oo Somaaliya yeelato 1960 kii ilaa maanta oo marti loogu yahay kadib markii uu bur-buray Midawgii Sofeeti oo noo dhisay Ciidankii hore ee aan Magaca uga kasbanay Gobalka!
Hadaba dadka iyo dawladda Somaaliya waxaa horyaal laba khiyaar oo adag:
1- In ay dhistaan Siyaasad fur-furan iyo Dhaqaale Xoogle leh oo ay kula tartamaan is-bedelada Gobalka Geeska Afrika, ugana qeybqaataan qorshaha cusub ee dhismaha mustaqbalka Gobalka???.
2- In ay kow ka dhigtaan dhismaha Ciidan Qaran oo leh Awoodii iyo Magacii hore oo kale iyada oo aan marti looga noqonayn London iyo Brussels???
-Ma dhici kartaa in hal mar lawada dhiso Ciidan Xoog leh iyo Dhaqaale Xoog leh???
-Ma dhici kartaa in tartanka iyo isbedelada Gobalku na sugaan inta aan Ciidan iyo Dhaqaale ka dhisanayno???
-Ma dhici kartaa in aan Xoog uga hor tagno Damaca dawladaha Gobalka? Mise waxaan u baahanahay Caqli iyo Cilmi aan uga hor tagno???.
-Maxaa la gudboon dadka iyo dawladda Somaaliya oo u leh hor-tebin iyo Istaraatiijiyad lagula tartamo, loogana qeybgalo isbedelada Gobalka Geeska Afrika???
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)




READ MORE FROM THE SOURCE: Somaaliya: Dhismaha dhaqaale xoog leh miyaa kow ah! Mise ciidan xoog leh?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.