“Somaliand wax fursad ahi uguma jirin tagitaanka Farmaajo iyo Abiy Ahmed”

0
181

Muqdisho (Caasimada Online) ― Senator Mustaf Maxamuud Qodax oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ka hadlay fursad uu sheegay Raysal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya inay lumisay Somaliland.Senator Mustaf Qodax, ayaa sheegay in aanay Somaliand wax fursad ahi ugu jirin inay Hargeysa ka soo wada dagaan Abiy Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo.Senator Mustaf Qodax ayaa waxa uu ku dhawaajiyey inaysan jirin wax wanaag ah oo ka dhalan lahaa booqashadaas, isagoona ku sababeeyay dhowr arrimood oo kala duwan.Senator-ka ayaa qoraal uu arrimahaas kaga hadlaya wuxuu soo dhigey bartiisa Facebook, wuxuuna ku yiri qoraalkiisa:“Fursad noocee ah ayaa Somaliland ugu jirtay inay raysalwasaare Abiy Ahmed iyo Madaxweyne farmaajo ka degaan Egal international airport?Raysal wasaare Abiy Axmed u daa nin dhalinyaro ah oo si weyn uga dhexmuuqda madaxda Africa ee kursiga jecel, shakina kuma jiro inuu sameeyay geesinimo iyo Kudhac dhabbaha u xaadhay isbedello iyo daahfur siyaasadeed (political breakthrough) oo wax weyn ka bedelay hab-nololeedka siyaasadeed ee bariga Africa.aniga oo ku salaynaya aragtidayda siyaasadeed ee xal-u-helida arimaha Soomaaliya iyo Somaliland, iima muuqdo wax wanaag ah oo ka dhalan lahaa booqashadaas, waxaanan ku sababaynayaa arimahan soo socda:1-arinta soomaaliya iyo Somaliland waa mid u baahan diyaar garaw dhab ah oo labada dhinacba u heensaystaan wadahadalo fool ka-fool ah iyo ka go’ naansho siyaasadeed oo xal u noqon kara is mari waaga, iyadoo hindisaha booqashadanina uu u ekaa mid kayimi Raysalwasaaraha dalka Ethiopia islamarkaana aanu jirin qorshe dawlada soomaaliya (all the Somali political stakeholders) isku raacsanaayeen sida; waxyaabaha somaliland looga tanaasuli karo iyo wixii lamid ah.3- inta badan dadka reer somaliland oo dawlada madaxweyne Farmaajo u arka inay la gashay dagaal cad oo dhinaca siyaasada iyo bulshadaba ah; sida warqadii kasoo baxday wasaarada qorshaynta ee qaadhaan bixiyayaasha lagaga dalbanayay inaanay wax gargaar ah oon soomaaliya soo marin somaliland la siinin, qaabkii ay dawlada soomaaliya u waajahday arrintii DP world iyo arimo kale oo dawlada soomaaliya u samaynaysay si aamusnaan ah laakiin maxsuulka laga dheehanayey arimo awood sheegasho ah oo dawlada soomaaliya ay ka samaynaysay fagaarayaasha siyaasadda ee caalamiga ah, taasoo batrool kusii shubaysay kala fogaanshaha labada dhinac.4-madaxweynaha somaliland oo ah madaxweyne shacabku doortay suurogal umay ahayn inuu sidaa dhibta yar ugu soo dhaweeyo hargeysa madaxweynaha soomaaliya oo isagu booqasho ku tagayey gobolada woqooyi.Arimahaas iyo qaar kale oo aanan halkan kusoo koobi karin awgood ayaanay booqashadaasi natiijo wanaagsan u keenteen.Waxbyaabaha ka dhalan kari lahaa hadday dhacdo booqashadaasi aniga aragtidayda gaaban:A- in madaxweyne muuse biixi wajihi lahaa kacdoon dadweyne.B- in xisbiyada mucaaradka somaliland ay suurogal ahaan lahayd inay ku qaadaan dagaal hubaysan.C- iyo inuu xumaado xidhiidhka u dhexeeya Ethiopia iyo somaliland kadib marka Abiy Axmed laga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Hargeysa iyadoo qiiqa taayirada gubanayaa magaalada hadheeyeen, taasoon marna raali galiseen ninka ugu awooda Badan madaxda bariga iyo badhtamaha Africa.Shin malaha haddaynu arintan ku kala aragti duwanahay waxa meelo badan oo anynu isku aragti ka nahayWa billaahi tawfiiq”.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: “Somaliand wax fursad ahi uguma jirin tagitaanka Farmaajo iyo Abiy Ahmed”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.