Somaliland oo Eritrea hor dhigtay dalab xasaasi oo ku saabsan sidii Somalia…

0
295

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Wefdigii uu hogaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibeda dalka Eritrea ee booqashada ku joogey Somaliland ayaa shalay waxay kulamo la qaateen Shir gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, Guurtida iyo Wakiilada, kulamadaas oo ahaa kuwa gooni-gooniya.Markay soo idlaaden kulamadaasi ayaa waxa ugu horeyn ka warbixiyey oo la hadlay warbaahinta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.Baashe ayaa yidhi: “Waxa aanu ka wada hadalnay waxa weeyi dhibaatooyinka aanu soo wada marnay, iyagu wey kala baxeen oo Itoobiya iyo Eritrea ilaahay baa kala saaray oo wey kala baxeen, labo dowladood ayey noqdeen, waxaynu soo wada marnay dagaal oo inagu Soomaaliya ayaa la dagaalanay iyaguna Itoobiya ayey dagaalameen, hadana markii ay xorooben ee iyagu kala baxeen, balse inagu aan weli iska laad-laadno, khibradaa wey leeyihiin waxa aana ka codsanay inay nagala shaqeeyan sidii aynu walaalahen ukala bixi lahayn oo aynu unoqon laheyn labo dowladood oo walaala oo derisa oo is caawiya waxna is tara, Geeska afrikana kamid beynu nahay ee isbadalkaa ka jirana qeyb beynu ku leenahay, hadaan qeybteena nagala siina wax ka hagaagaya majiraan, cidina indhaha inagama lalin karto”.Guddoomiye Baashe waxa uu intaas kusii darey: “Codsigayaga markii aan u gudbinay waxa ay yidhaahden waanu idin kala shaqeynaynaa, waana markii inoogu horeysay waan indho-indheynaynaa, taariikhdena iyo waxeenana wey yaqaanin, markaa waxkasta oo idinla qaban karno waan idinla qabaneyna, waxay qaateen wixii dukumutis ah ee aanu hayney ee ku saabsanaa gooni isku taaga Somaliland, wey qaaten oo wey soo darsayaan.”Geesta kale Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isagna waxa uu ka warbixiyey waxyaabaha ay ka wada-hadleen wefdigan waxa uuna sheegay inay u xog warameen, waxkasta oo ay u sheegena inay darsi doonan, waxa kale oo uu rajo weyn ka muujiyey in marka ay si fiican u darsaan inay ka soo bixi doonaan wax anfaca Somaliland.Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com    




SOURCE: Somaliland oo Eritrea hor dhigtay dalab xasaasi oo ku saabsan sidii Somalia…

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.