Somaliland oo shaacisay ruuxii ku haboonaa inuu kusoo baxo doorashadii Puntland

0
59

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland oo walaac badan ka qaba doorashadii ka dhacday magaalada Garowe ayaa ka hadlay ruuxa ugu wanaagsanaa ee ku haboonaa inuu kusoo baxo doorashada Puntland.Wasiirka Biyaha Somaliland Suleymaan Yuusuf Cai Koore oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay filayeen in doorashada magaalada Garowe uu kusoo baxo Cali Ciise Cabdi oo ahaa musharax aan codad badan ka helin doorashada.Wasiir Koore, ayaa sheegay in doorashadii Puntland ay muujisay inaan la wada laheyn deegaanada Puntland, balse hal qabiil oo kaliya ay leeyihiin, maadaama inta badan dadka kasoo jeeda Garowe, Gaalkacyo ama Boosaaso loo doorto madaxweynaha Puntland.Musharax Cali Ciise Cabdi ayuu sheegay inuu ahaa ruux mudan inuu hogaamiyo Puntland balse aysan dhicin, taasi oo dhibaato ku ah dadka aan kasoo jeedin gobolada Bari, Mudug iyo Nugaal.Cali Ciise ayuu ku amaanay taariiqdiisa iyo waxqabadka lagu yaqaanay, balse xildhibaanada Puntland aysan tixgelin waxqabadka shaqsiyadeed ee Cali Ciise.“Waa wax aad iyo aad looga naxo natiijada doorashada, inaan la wada laheyn Puntland waxaa noogu filan, beentii dadka horey loogu sheegayayna oo in meesha reer leeyahay waxaa ugu filan doorashadii Cali Ciise Cabdi iyo meesha la dhigay, wuxuu ahaa shaqsigii ugu waayo aragsanaa Africa, sagaal wadan oo Africa ahna soo dhisay”ayuu yiri wasiirka.Cali Ciise Cabdi ayaa kamid ahaa musharixiintii sida weyn loo hadal hayay, balse ma noqon sidii laga filayay.Caasimada Online Xafiiska Somaliland Caasimada@live.com




SOURCE: Somaliland oo shaacisay ruuxii ku haboonaa inuu kusoo baxo doorashadii Puntland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.