Somaliland “UK ergay gaar ah ayay noosoo magacowday Addis Ababa ayuuna ku shaqeynayaa”

0
285

London (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay gaar ah oo Arrimaha Somaliland lagala xaajoon doono.Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Guri Barwaaqo ayaa shaaciyay in dowladda Ingiriiska ay usoo magacowday ergay cusub, kaasi oo ka dhigan in loo aqoonsaday dowlad madax banaan.Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa intaasi ku daray in safirka UK ee Somaliland uu fadhigiisu ahaan doono magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, taasi oo shaki badan dhalin karta.Wasiirka wuxuu sheegay in ergaygaasi uu Somaliland wakiil kaga noqon doonaa wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, sida uu sheegay Wasiirka.“Runtii waxaan la kulmay uqaabilsanaha Wasaaradda arrimaha dibada UK ee Somaliland, oo fadhigiisu noqon doono Addis Ababa, dhawaanna la wareegi doono xafiiska, wax badan ayaan kala hadalnay, baahida ay dadka Somaliland qabaan”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland.Marka laga yimaado hadalka wasiirka Warfaafinta Somaliland Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Ingiriiska oo ay kaga hadleyso warka kasoo yeeray maamulka Somaliland.Arrintaani ayaa kusoo aadaysa iyadoo dhawaan xoghayaha difaaca Britain uu booqasho aan hori loo sii shaacin ku tagay Somaliland, balse isagu qudhiisa kama uusan hadal arrintaani.Dowladda Ingiriiska ayaa kamid noqotay dowladaha daneynaya inay saldhig ciidan ka sameystaan dalalka Bariga Africa, gaar ahaan gobolka Awdal ee maamulka Somaliland.Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com




SOURCE: Somaliland “UK ergay gaar ah ayay noosoo magacowday Addis Ababa ayuuna ku shaqeynayaa”

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.