SOO BANDHIGID FURSAD TABABAR SHAQO

0
164

JamhuuriyaddaFederalk
ةيلارديفلا لاــموـصلا ةـيروهمج

aSoomaaliya
يلاعلا م العالييلعتلاو ة والتعليم العالييبرتلا ة التربية والتعليم العاليازو

WasaaraddaWaxbarashada

Hidaha&TacliintaSare
لامعلا بتكم

Madaxa shaqaalaha
Somali Federal Republic
Galmudug Ministry Education, Culture & Higher Education
Tarikh: 26 -June -2018
SOO BANDHIGID FURSAD TABABAR SHAQO—GALMUDUG
Wasaaradda Waxbarashadda,Hiddaha iyo Tacliinta Sare iyo Hay’adda IOM—MIDA FINNSOM waxaa ay raadinaayaan aqoonyahanno dhawaan ka soo qalin jabiyey machadyadda ama jaamacadaha sare ee la qoonsanyahay. Muhiimadda laga leeyahay tababarkaan waa in fursad la siiyo dhalinyarada shaqa la’aanta ah si ay xirfadooda u siyaadsadaan khibradna u korarsadaan si ay ugu sahlanaato in ay shaqo helaan tababarka kadib. Sidaas daraadeed, aqoonyahankaan waxuu la shaqayndoonaa La taliyaha waaxda Siyaasadda iyo Qorshaynta ee Wasaaradda Waxbarashadda,Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
Borogaraamka tababaridda qalinjabiyaasha waxey ulajeedadiisu tahay in lasiiyo qalin jabiyayaasha cusub fursad shaqo oo lix bilood ah. Takhasuska iyo heerka aqoonta lagag doonayo waxaa ka mid ah( Maamulka dadwaynaha, Maaraynta, Waxbarashada ama kuwo kale oo la xiriira Siyaasadda iyo Qorshaynta Waxbarashada.
MAS’UULIYADDA LAGA DOONAYO QOFKA LA TABABARAAYO
Waxaa laga doonaya qofka la tababaraayo shaqooyinka hoos ku xusan :
In uu La taliyaha Isbeddelka Maamulka gacan ka siiyo dhinaca dib-u-eegista siyaasadaaha, sharciyadda iyo qorshaynta Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare
In uu la taliyaha Isbeddelka Maamulka gacan ka siiyo iskudubaridka iyo maamulidda arrimaha siyaasadda lagu hormarinaayo
Gacan ka gaysto tababarada lagu horumarinaayo aqoonta shaqaalaha In uu qoraa(minutes) waxyaaba shirarka looga hadlo
Qoraa/diyaariya warbixinno(reports) isbuucle iyo bille ah una gudbiyaa La taliyaha Qorshaynta iyo Siyaasadda
Hal abuur ku soo kordhiya shaqada
Ka qayb galaa, si joogto ah, tababarada ay Wasaaraddu bixinayso Si fiican u yaqaan isticmaalka kombuters ka
In uu qabtaa shaqooyin kale oo la xiriira siyaasadda iyo qorshaynta
WAXA KA LOO LAGA RABO IN UU:
Qibrad shaqo leeyahay(1-2 sano)
In uusan ahayn shaqaale dowladeed
In uu heysto shahaado jaamacadeed ama mid u qalanta ee maamulka ama maaraynta ama mid u dhiganta.
In uu yahay muwaadin soomaaliyeed
In si wanaagsan Afsoomaaliga iyo Engiriiska u yaqaan, qoraal ahaan iyo ku hadalba
DUKUMEENTIGA ARJIGA
Codsadayaasha fursadda tababaridda xirfadeed waa qasab in ay soo gudbiyaan ama soo diraan dukumeentiyaan soo socda.
Taariikh kooban(CV) oo qeexeysa heerka aqooneed, khibrad iyo raadraacayaal. Nuqul(copy) shahaado jaamacadeed oo la aqoonsanyahay iyo natiija
maadooyinka(transcript).
Shahaado dugsi sare oo ansax ah.
SIDA LOO CODSANAYO
Kuwa doonaya iney imtixaanka galaan waa iney kusoo diraan codsigooda E-mail kan. kaydka@gmail.com iyo moahmed@iom.int
Taariikhda ugu dambaysa oo la codsankaro waa: 05 July /2018




READ MORE FROM THE SOURCE: SOO BANDHIGID FURSAD TABABAR SHAQO

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.