Soomaalinimada Jigjiga ka hillaaacday: Dhab mise dhalanteed (Xog-warran)

0
380

Soomaalinimadu waa astaanta dareenka walaaltinimo iyo wadadhalasho ee ka dhexeeya Soomaalida. Waa waxa isku xidha shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin. Inkastoo haddaba Soomaalinimada xilligan dhaawac weyni soo gaadhay,  haddana may dhiman mana aha wax dhiman kara inta Soomaalidu jirto. Haweenay Soomaaliyeed oo deggan London, ayaa maalin alaab ay dukaan ka soo iibsatay oo aanay u bogin damacday in laga celiyo oo ay lacagteedii dib u hesho. Waa wax ay xaq u lahayd, haseyeeshee qolyihii dukaanka ka shaqaynayay ayaa yara canaaday, diidayna in ay ka celiyaan iyadoo weiba haysata resiidhkii ay ku gadatay.Wiil Soomaaliyeed oo isna dukaanka wax ka gadanayay ayaa arkay haweenayda Soomaaliyeed ee sida xaqdarrada ah  loola dhaqmayo, aad baanu ugu cadhooday arrintii isagoo qoladii dukaanka u sheegay in ay xaq u leedahay in ay celiso  alaabta, lacagateedana la siiyo. Haweenaydii oo arrintan ka sheekaynaysa ayaa waxay tidhi:“Nimankii intuu indhaha ka galay ayuu wiilkii Soomaaliyeed  ku sigtay in uu la dagalamo, ka dibna lacagtaydii ayay markiiba  i celiyeen”. Iyadoo hadalkeedii sii wadata ayaa waxay sii raacisay , “ Hadda wiilka sidaa iigu dagaalamay reer Koonfureed buu ahaaye ka warran”. Dad kale oo badan oo caddaan iyo madawba leh ayaa iyana meesha ka dukaamaysanay cid u dooddayna ma jirin. Haddaba Soomaalinimadu waa dareenka wiilkaa ka yimd Koonfur ku dhaliyay in uu ka dhiidhiyo xaqdarrrada lagu sameynayay hooyadaa Soomaaliyeed ee aanu garanayn ee ka timid Hargeysa, si kastaba siyaasadda ha ugu kala aragti duwanaadeene.Ololaha La Dagaalanka Soomaalinimada ee ItoobiyaMaamulladii kala dambeeyay ee gumaysiga Itoobiya waxyaabaha ay mar walba xoogga saari jireen waxaa ka mid ahaa sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee ay gumaystaan uga tirtiri lahaayeen Soomaalinimada, uguna bedeli lahaayeen Itoobiyaanimo. Hirgelintii magaca Ogaadeeniya waxa uu qayb ka ahaa ol’olaha la dagaalanka Soomaalinimada ee ay Itoobiya wadday, waayo?Adeegsiga magaca Soomaali waxa uu muujinayaa walaaltinimada iyo mid ahaanshaha shacabka halkaas ku dhaqan iyo Soomaalida xorta ah.Inkastoo wax badan isbeddeleen intii maamulkii Tigreegu horseedka ka ahaa xukunka la wareegeen, haddana Soomaalidu waxay ahaayeen dad si quudhsi ku jiro loola dhaqmo xuquuqahoodiii uu jideeyay dastuurka dalkaasina laga duudsiyay.Madaxda Soomaalida ee ay Tigreegu xurunta Jigjiga ku tallaalaan, iyana waxay ahaayeen marwalba kuwo u adeega cidda xukunka u dhiibatay, oo aan wax dan ah ka lahayn daryeelka iyo horumarinta shacabka ay u taliyaan, iyagoo miciinsanaya ol’olha Soomaalinimo ka cararka. Arrintani waxay sii karaar qaadatay intii uu mujrimkii Ina Ilay ka baarqabaynayay deegaanka Soomaalida. Calanka iyo magacii deegaanka ee ay beddeleen waxaa dheeraa dhoodhoobka taariikh beenabuur ah iyagoo ka dhigay in shacabka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu qabsatay ay rabitaankooda ku raaceen Itoobiya. Waxay ururiyeen Odaydhaqmeedyo tiro badan, waxaanay geeyeen Addis Ababa, halkaas oo lagu qabtay shir ballaadhan oo uu goobjoog ka ahaa Keligiitaliye Meles Sanaawi, iyagoo odayadii madashaas ka caddeeyeen farriintii ay loo dhiibay, sheegayaan in ay iyagu doorteen ka mid noqoshada  Itoobiya balse cid qabsatay aanay jirin.Yeelkeede, tan iyo intii uu hoggaanka Deegaanka Soomaalida la wareegay madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxaad moodaa in Soomaalinimadii dib uga hillaacday Jigjiga oo ka mid  ahayd  meelihii ugu horreeyay ee dhaqdhaqaaqii gobonimadoonka SYL ka hanaqaaday afartaneeyadii.Waxaa dib loo soo celiyay calankii uu ka dhex muuqday  midabka buluuqa ah iyo xiddigta shan-geesta ah ee astaanta u ah Shanta Soomaaliyeed. Jigjiga waxay noqotay meel ay ku soo hirtaan Soomaali badan oo u ol’oleeya Soomaalinimada, iyadoo islamarkaana ay ka dhaceen Shirar maqaamkoodu sarreeyo, oo dhammaantood sal ku leh Soomaalinimada, ayna ka soo qaybgaleen waxgarad iyo aqoonyanno ka kala yimid dhammaan dhulka Soomaalida.Waxaa maamulka iyo shacabka deegaanku u gurmadeen collaadii beelaha  walaalaha ah ku dhexmartay gobolka Sool, iyadoo gogol nabadeed loo dhigay magaalada Jigjiga. Madaxweyne Mustafe waxa uu marwalba ku celceliyaa muhimadda ay leedahay Soomaalinimadu iyo in shacabka deegaanka looga baahanyahay in ay ku faanaan Soomaalinimadooda. Dhawaan mar uu kulan la qaatay dhalinyarada deegaanka, waxa uu aad ugu guubaabiyay in ay Soomaalinimadooda ku faanaan isagoo islamrakaana goobta ka qaaday heesta waddaniga ah ee Soomaali baan ahay, kana codsaday dhallintii in ay ka daba qaadaan.Intaas iyo in kale oo aanan halkan ku xusin oo dhanka Soomaalinimada loo qaaday ayuu ku tallaabsaday maamulka Mustafe muddadii gaabnayd ee uu xilka hayay.Bal haddaba inta aanan qoraalkan dulucdiisa u gelin aan arrinta dhinac kale ka eegno. Ugu horreyn aan idinla wadaago dhacdo kale oo Soomaalinimada la xidhiidha.Badhtamihii sannadkii 1992kii, xilligii kalahaadka ee ay beelaha Soomaaliyeed xabadda Isla dhacayeen, anigoo ku sugnaa dalka Holland ayaa gabadh Soomaaliyeed oo xero qaxooti {camp) ka soo baxday la soo dejiyay magaaladii aan degganaa. Waxay iiga sheekaysay dhacdo yar oo intii ay xerada ku jirty la kulantay, run ahaantiina maskaxdayda ku dhegtay.Waxay tidhi, “maalin annagoo dhawr qof oo Soomaali ah oo meel ku urursan ayaa waxaa noo yimid nin Hollandes ah oo ka mid ah shaqaalaha xerada, waanuna iska wada sheekaysanaynay”. Iyadoo gabadhii hadalkeeda sii Wadda ayaa waxay raacisay, “ ninkii Hollandeska ahaa ayaa noo sheegay in uu Soomaaliya ka shaqayn jiray oo uu joogi jiray magaalada Ceerigaabo”. Wiil ka mid ah Soomaalidii gootba joogtay ayaa markiiba su’aal kula soo booday oo weydiiyay ninkii:“ka warran Soomaalidu saw dad ajnabiga jecel oo si fiican u soo dhaweeya maaha?”Jawaabta uu bixiyay ninkii Hollandeska ahaa ayaa ahayd mid waxqaadasho innoogu filan. Wuxuu yidhi, “ Muhiim ma aha in aad ajnabiga soo dhaweysaan oo aad jeclaataan, balse waxaa muhiim ah in aad idinku isjeclaataan oo aad isa soo dhawaysaan”.Haddaba isjeclaanshahaas Soomaalinimada ku dhisan ee uu ninkaas ajnabiga ahi kula taliyay Soomaalidu kama jiro magaalada Jigjiga. Duleedka magaalada waxay Oramadu si joogto ah ugu xasuuqdaa shacab Soomaaliyeed oo dhulkoodii hooyo jooga, mana jirto shacab iyo dawladdii uu xilku ka saarnaa sugidda nabadgelyada naftooda iyo maalkoodaba cid u gurmata oo ay miciinsadaan.In dawladdu u gurmato oo ay difaacdo iska daaye, xitaa kama hadasho dhibta shacabkaas iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed ee xuduudda la leh Oramda mar walba soo gaadha. Waa maangaabnimo in shacab Soomaaliyeed oo la gumaadayo la iska daawado dhanka kalena Soomaalinimo laga hadlo.Marka aad maanta fiirisid xaaladda deegeenka Soomaalida ka jirta waxaad is odhanaysaa cidda shacabka meteshaa waa ururka ONLF, waayo waa kooxda keliya ee ka hadasha dhibaatada joogtada ah ee ay Oromadu ku hayso Soomaalida, halka dawladda deegaanku ay aka xidhato, indhahana ka qarsato.Arrintaas ayaanan filayaa in ay qayb ka ahayd soo dhaweyntii weynayd ee hoggaanka sare ee ONLF loogu sameeyay magaalada Jigjiga.Soomaalinimada maanta jigjiga taallaa waa mid ku kooban heeso iyo halkudhegyo shirarka laga yidhaahdo oo keliya. Taasina macno badan oo ay soo kordhinaysaa ma jirto.W/Q: Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan Wardheernews.com




SOURCE: Soomaalinimada Jigjiga ka hillaaacday: Dhab mise dhalanteed (Xog-warran)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.