Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo ka shiray dib u habeynta dhaqaalaha

0
22

Geneva (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo agaasimaha cusub ee qeybta maamulka Bangiga adduunka, Axel van Trotsenburg, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Swizerland.
Kulanka oo qeyb ka ahaa kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysa madasha qaxootiga adduunka ayaa looga hadlay arrima muhiim ah oo ay kamid yihiin dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo qorshaha deynta looga cafinayo Soomaaliya.
Bangiga adduunka ayaa taageera hey’adaha dowladeed ee dalka si loo dhiirri geliyo dowlad wanaagga, loona karaariyo dib-u-kabashada dhaqaalaha iyo shaqo abuurka
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Geneva waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo wasiirka arrimaha dibadda Sweden.
Kulankan ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli Dowlada Maraykanka ay ansixisay misaaniyad ay ku jirto deyn cafinta dalka Soomaaliya.




SOURCE: Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka oo ka shiray dib u habeynta dhaqaalaha

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.