Sooyaalka Jasiiradda Suqatra ee Soomaaliya iyo halis cusub oo aay wajahayso

0
269
Jasiiradda Suqatra
Jasiiradda Suqatra


Jasiiraddaha Suqatra oo ka kooban afar, ayna ugu weyntahay jasiiradda Suqatra oo loogu wada magac-daray waxa aay ku yaalaan badweynta Hindiya inta udhaxeysa xeebta  Soomaaliya iyo tan Carabta, 240KM ayeey u jirtaa Soomaaliya halka 380KM aay u jirto Yemen.

Jasiiradda ugu weeyn ee Suqatra  waa 3,796 km², laakiin waxaa jira saddex jasiiradood oo kale oo yaryar oo lagu magacaabo Samḥah,  Darzah Al-Ikhwān, iyo  ʿAbd Al-Kūrī.

Jasiiradda Suqatra waa aay ka duwantahay jasiiradaha kale ee dunida, run ahaantii waxa aay u egtahay  qaarad iyadu gooni ah.  Waa goob aay adagtahay in la gaaro, aayna tahay himilada dadka safra maruun in  aay gaaraan.

Hadii aad cagta saarto jasiiradaha Suqatra waa sida adiga oo duni kale jooga, waxa  aay ka mid tahay meelaha dunida ugu cajiibsan. Jasiiraddaan waxa la rumeysan tahay in aay ka go’day dhulka Soomaaliya inta udhaxeysa lix iyo todobo milyan oo sano ka hor, lana degay 3000 oo sano ka hor.

Suqatra waxa aay leeyahay ugu yaraan 700 oo noole oo aan laga helin meel kale oo koonka saaran;  tuusaale ahaan noocyada geedaha  laga helo waxaa ugu horeeya  Dragons Blood Tree oo usameysan sida barkin waraabe ama baaraabuq, geedkaan oo dhiima dareere u eg dhiig. Jasiiraddaan sidoo kale waxa aay caan ku tahay buuroleey, buuro la yiraahdo Xaajir ayaa ku taxan.

Si jasiiraddaan loo badbaadiyo,  2008 UNESCO ayaa ku dartay meelaha ugu muhiimsan dunida ee tilmaamaya dhaqanka caalamiga ah, aayna tahay in dhowro ama la illaaliyo.

Jasiiradaan waxa aay hadda si rasmi ah u hoos-timaadaa  dalka Yemen,  laakiin juquraafi ahaan waa qeyb ka mid ah Soomaaliya kana tirsan Afrika.

Lahaanshaha Jasiiraddaan waxaa ka taagan muran, laakiin waxaa hubaal ah in aay tahay hanti Soomaaliyeed oo maqan.

Jasiiradahaan waxaa ku nool 60,000 oo qof kuwaas  oo kunool nolol hoose maadaama aay hoos-yimaadaan wadan sabool ah. Dadkaan ayaa ku hadla luuqad loo yaqaan Suqatri oo ah isku-jir Semetic iyo Cushitic ama si kale hadii loo dhigo Carabi, Soomaali iyo luuqado kale oo yaryar. Luuqaddaan ayaa wajahaysa dabar-go’ iyada oo aay ugu wacantahay saameeyn uga timid luuqadda Carabiga oo Yemen looga hadlo, loona adeegsano nidaamka maamulka.

Dadka  kunool  jasiiraddahaan lama kala saaro badanaa waxaana loo yaqaana Suqutriyiin, laakiin waa dad asal ahaantoodu kasoo jeeda Soomaali iyo dad kasoo haray saldanadii Mehri ee 1480 jasiiraddahaan kala wareegay boqortooyooyiinkii Soomaaliyeed ee ka arrimin jiray Bariga Afrika.

Magaalo madaxda Jasiiradahaan ee Xudeybo waxaa sifiican looga arki karaa raadka taariikhda Soomaaliyeed. Waa magaalo udhisan sida magaalooyinka qadiimiga ah ee Soomaaliya sida Baraawe,  Marko, Kismaayo, Caluula iyo degmada  Xamar Weyne.

Jasiiraddahaan waxaa maamuli jiray nidaamyadii Soomaaliyeed ee Bariga Afrika, 1480 Waxa gacan ku heynta kala wareegay Saldanadii Mahra ee ka arrimin jirtay Koonfur-bari ee Yemen. intii u dhaxeysay 1507 ilaa iyo 1511 waxaa kala wareegay oo haysay  Portuguese. Kadib guuldarradii Portuguese-ka ee xeebaha Soomaaliya Portuguese waa aay iska huleeleen waxaana dib u qabsaday saldanadii Mahri.

1834, Ingiriiska ayaa isku dayey laakiin ku guuldareystay inuu gato jasiiradda. 1880 Suldaankii ayaa ogolaaday inuu saldanadii dhan ee Mahri aqbashay ineey hoos-geyso Ingiriiska si uu uga illaaliyo saldanado kale oo Carbeed oo uu hardan siyaasadeed kala dhaxeeyey.

Saldanadii Mahri waxa aay soo afjarantay 1967, Jasiiraddaha Suqatrana waxa aay ka mid noqdeen Koonfur Yemen oo markaas xornimo qaadatay, kadibna la midowday Jamhuuriyadda Yemen. Wakhtigaas Soomaaliya xor ayeey aheyd, laakiin waxa aay aheyd curdan caqabado badan wajahaysa waxaa ku furnaa raadinta Jabuuti, Soomaali Galbeed iyo NFD.

Soomaaliya iyo Yemen xiriir qoto-dheer iyo deris wanaag ayaa abid ka dhaxeeyey. Waa dal Carbeed oo aay Soomaaliya u arkeysay walaalo dhakhsana ma furin muranka arrinta Jasiiraddaha Suqatra. Dhanka kale, aqoonyari jirtay awgeed laguma baraarugsaneen muhiimadda badda, waxaana muhiimadda la saaray dhulka ka midka birriga Soomaali-weyn ee  ku haray gacanta gumeystaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa la aaminsanyahay inuu jiro is-afgarad hoose oo udhaxeeyey Soomaaliya iyo Yemen ee ku aadan jasiiraddahaan Suqatra, kaas oo aan la shaacin.

Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya markii uu bilowday 1977,  Jamhuuriyaddii Dimoqaraadiga ee shacabka Yemen oo loo yaqaanay Koonfur  Yemen oo Suqatra hoos imaaneysay  taas oo ahayd gooni-isku-taag ayaa waxa aay la safatay xulafadii Itoobiya, laakiin Waqooyi  Yemen dagaalka waxa aay ka noqotay dhexdhexaad in kasta oo aay la aaminsanyahay  in aay ujanjeertay Soomaaliya.

Dowladdii kacaanka oo arrintaan ka carootay ayaa sheegatay jasiiraddaha Suqatra  markii ugu horeysay si rasmi ah laakiin waan-waan Jaamacadda Carabta gar-wadeyn ka aheyd ayaa lagu wada hadalsiiyey, iyada oo aan wili la helin nuqulkii wadahadalada.

1990 Waqooyiga iyo Koonfurta Yemen ayaa midoobay, waxa loo yaqaano midowgii Ymen,  laakiin dowladdii Soomaaliya ayaa meesha ka baxday, Suqatrana waxa aay kasii mid ahaatay Jamhuuriyadda Yemen.

Burcad baddeedii ka dilaacday Geeska Afrika ayaa 2010/11 Suqatra u isticmaali jiray saldhig iyo xarun aay ka shidaal qaataan.

2015 markii uu bilowday dagaalka sokeeye ee Yemen ayaa waxaa bilowday damac galay wadamo kale oo aay ugu horeeyaan Isbahaysiga uu sucuudigu hoggaaminayo ineey la wareegaan jasiiraddaan beylah-daa.

30 April 2018, Imaaraadka ayaa ciidamo gaashaaman ku daadgureeyey Jasiiradda Suqatra. Sida aay Al-jazeera wakhtigaas siideeysay, Imaaraadku markii aay yimaadeen Jasiiradda waxa aay la wareegeen goobihii muhiimka ahaa sida gegidda diyaaradaha, dekedda iyo saldhigyada iyada oo ciidamadii Yemen ceyrisay. Imaaraadku waxa aay dejiyeen calankii Yemen iyaga ka lulay calanka Imaaraadka goobaha muhiimka ah.

Wargeyska The Independent ayaa weriyey in Imaaradku aay qabsadeen Suqatra, aay tirokoob ka sameeyeen and adeeg caafimaad oo bilaash ah bulshadda ubalanqaadeen iyo ogolaansho aay Abu Dhabi uga shaqeysan karaan.

31 December 2018, masuul ka socday Imaaraadka oo booqanayey Suqatra in jasiiraddu aay tahay qeyb ka mid ah Imaaraadka Carabta, dadka deganna la siinayo jinsiyad Imaaraad.

Ra’iisul wasaarihii  Yemen, Ahmed Obeid bin Daghr ayaa sheegay in qabsashada Imaaraadka ee Suqatra aay aay tahay xadgudub aay ku sameysay madax-bannaanida Yemen. Wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Anwar Gargash wuxuu uu jawaabay “Ma hadda ayaad xasuusateen Suqatra….Waxaanu la leenahay xiriir soo jireen ah qoysaska iyo dadka Suqatra”.

Mareykanka iyo Turkiga ayaa arrintaan walaac ka muujiyey. “Si hoose ayaan ula soconaa arrinta Suqatra. arrinta hala dejiyo, [Yemen iyo Imaaraadkuna]  ha wada hadleen”, ayuu mareykanku yiiri.

18, 06, 2019 Wasiir ka tirsan dowladda Abdrabbuh Mansur Hadi ee la aqoonsanyahay ayaa sheegay in in haysashada Imaaraadka ee Suqatra aay tahay “gumeysi cad”. Afar billood kadib Imaaraadka ayaa geedo qadiimi ah oo dabar-go’ wajahaya ka xaday Jasiiradda Suqatra. Geedka Dragon Blood (Dum Al-Akhawain/Dhiiga labada walaal)  oo Suqatra bes laga helo dunida dhan ayeey ka rarteen iyaga oo kusoo bandhigay     Abdu Dhabi, Imaaraadka.

Imaaraadka oo aay bulshada reer Suqatra u arkaan gumeyste, ayaa hidana waxa aay ku dhiiradeen geed aay UNESCO dabar-go’la illaaliso ineey harka oo cad xaddaan.

Sidoo kale, waxaa aay warbaahinya Yemen soo bandhigtay in Imaaraadku si arxan la’aan ah ugu guranayaan macdanta, aayna xaalufiyeen bad iyo biriba.

2 May 2020, ciidamadda qaranka ee Yemen ayaa gooni-goosato (STC) Imaaraadku taageerayo kula dagaalantay Xudeyba, iyaga ku guuleystay ineey jasiiradda ka saaraan. 12 May 2020 ciidamadda Yemen ayaa dib Jasiiradda ugu muday calanka Qaranka.

27 Oct 2010, Yemen Post ayaa qortay in Soomaaliya aay sheegatay lahaanshaha Suqatra, una gudbisay Qaramada Midoobay go’aaminta lahaashaha jasiiraddahaan sida aay kasoo xigatay maareeyaha  Saba Center for Strategic Studies ee Yemen. Hadalkaan ayaa ka dhex  dhaliyey xinif bulshada baraha bulshadda isticmaasha ee labada wadan, iyaga oo hadalo adag hawada isku mariyey.

In kasta oo dowladdaha Soomaaliya iyo Yemen uusan si rasmi ah muran uga dhaxayn hidana waxaa taagan qadiyadda Suqatra.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.