SUSO OO FARIIN FARXAD LEH USOO DIRAY LIVERPOOL.

0
246

Xidigii hore ee kooxda Liverpool haatana ka tirsan kooxda Ac Milan oo ka dhisan dalka talyaaniga ayaa waxaa uu soo diray fariin ay ku farxeen Maamulka,Macalimiinta iyo taageereyaasha Kooxda Liverpool taa oo ku aadan in hadii loo baahdo uu diyaar u yahay in uu kusoo laabto garoonka An field.

Waxaa mudooyinkan aad loo hadal hayay sheekooyin ku aadan in xidigan ay suuro gal tahay in uu dib u xerto maaliyada kooxda Reds.

Waxaa la fahansan yahay in Jurgen Klopp uu u sheegay maamulka Sare ee kooxda in sida ugu dhaqsiyaha badan u dhaqaaqaan soo xero gelinta xidigan oo qaab ciyaareed wanaagsan muujiyay.

Suso waxaa waayihiisa kubada cagta uu kasoo bilaabay kooxdan isagoo kasoo baxay akadeemiyada naadiga waxaana uu wali u hayaa xiiso aad u wayn oo ku aadan kaalintii kooxdan ay ka qaadatay in uu xidig wanaaagsan noqdo.

Waxaa qiimahiisa uu ku kacayaa 33 milyan si loo bur buriyo qandaraaska uu kula jiro Ac Milan.

Mar uu waraysi gaar ah siinayay Tutto Sport ayaa hadaladiisa waxaa kamid ahaa.

“Premier Leage waa horyaal khaas ah waxaan ugu yeeri lahaa mid Khaas ah,waana jeclaan lahaa inaan markale u ciyaaro kooxdaydii hore ee Reds,waxa aan waqti fiican ku qaatay halkaa, waana koox aad u wayn, ayuu hadalkiisa kusoo gaabiyay Ciyaaryahan Suso.

Liverpool oo haatan haysata xidigo aad u tayo sareeya oo ay ku duulaan tagi doonto Xili Ciyaareedka nasoo aadan ayaa waxaa xidigan Suso uu kamid yahay  Xidigaha la qorshaynayo in kooxda ay yimaadaan inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoooyda.

Klopp ayaa loo badinayaa in qorshe fiican uu u dajiyay in uu si wanaagsan uga soo kaluumaysto Suuqyada kala iibsiga Xidigaha.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.