Taabit Cabdi “Sanadkii 2019 wuxuu ahaa sanad culeyskiisa wata oo ay u dambeysay xasuuqii…

0
108

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Hoggaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka Taabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in sanadkii dhamaaday ee 2019 uu ahaa sanad culeyskiisa watay, isagoo dhammaan shacabka Soomaaliyeed u rajjeeyay in sanadka cusub ee 2020 uu ka dhigo sanad nabadeed, horumar iyo barwaaqo leh.

Taabita Cabdi ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay waxaa uu sheegay in sanadkii 2019 ay dad badan ku waayeen, dadna dhaawac iyo culeys nololeed soo gaareen, isagoo soo qaatay xasuuqii ka dhacay Ex Koontarool Afgooye oo dad boqol ku dhow ay ku dhinteen qarax ka dhacay sabtidii la soo dhaafay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Guddoomiye Taabit ee sanadka cusub

Sanad wacan oo wanaagsan dhammaan. Waxaan Alle ka baryeynaa in sanadka 2020 uu inooga dhigo sanad nabaddeed oo horumar iyo barwaaqo leh.

2019 wuxuu ahaa sanad culeyskiisa wata oo ay ugu dambeysay xasuuqii Ex-kontrol Afgooye oo aan dad badan ku weynay, dadna dhaawac iyo culeys nololeed kasoo gaareen. Allaha u dhib yareeyo.

Maanta waa maalintii shacabku gurmad&waxqabad ay sugayeen, waana in aan yoolkaas marna nalaga weecin. Mida labaad waxaa Hay’addaha amniga looga fadhiyaa in ay ummadda la wadaagaan dayaca amni ee dad intaas la eg galaaftay cida mas’uuliyaddeeda iska leh, lagulana xisaabtamo.

Dhanka kale waxaa lama huraan ah in uu jiro dadaal ku aadan ka hortaga qatar kasta oo amni oo soo wajihi karta Shacabka. Dowladda iyada ayaa mas’uuliyadda amniga iska leh, Shacabkana waxay wada shaqeyn buuxda ka heli karaan marka si sax ah loola wadaago cida mas’uuliyadeeda leh dayicii amni ee sababay xasuuqii ka dhacay Ex-kontrol Afgoye iyo kuwii ka horeeyay.

Hadii shacab iyo dowladba ay ku jirto su’aasha ah maxaa arrimaha amniga la iskaga kaashan la’yahay; jawaabtu waxay tahay wada shaqeynta shacabka waxaa sababi kara in mas’uuliyadda wixii dhaca cidu qaadato isla markaana cadaaladdu shaqeyso, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa qofka ku cuskanaya ayaa la istaajiyaa, sidaa darteed mas’uuliyadda dowladdu ha qaadato. Waan hubaa shacabka inuu istaajinayo Dowladdooda marka ay si mas’uuliyad leh u cuskato.

Sanad wanaagsan 2020.
The post Taabit Cabdi “Sanadkii 2019 wuxuu ahaa sanad culeyskiisa wata oo ay u dambeysay xasuuqii… appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Taabit Cabdi “Sanadkii 2019 wuxuu ahaa sanad culeyskiisa wata oo ay u dambeysay xasuuqii…

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.