TAAGEEREYAASHA LIVERPOOL OO BILAABAY DHAQAN AAN HORAY LOOGU AQOON.

0
86

Tan iyo markii uu soo idlaaday kulankii xiisaha badnaa ee Gaba Gabada Champions Leage ee xalay ay ku xaqiijisay Real madrid in ay hanatay markeedii 3aad oo xiriir ah Koobkaaskaasi Aadka u Quruxda Badan ayaa waxaa muuqata in jamaahiirta kooxda Liverpool ay lasoo bexeen Dhaqan layaab leh.

Taageereyaasha kooxda Liverpool ayaa waxaa dhanka Baraha Bulshada ay si wayn uga weerarayaan xidiga Kabtanka u ah Real Madird ee  Sergio Ramos.

Ramos ayaa u muuqday mid si ku tala gal ah u dhaawacay maxamed saalax oo mar Qura  ay dhulka wada dhaceen iyadoona taageereyaasha Reds ay aad iyo aad ugu hooriyeen Ramos inta uu garoonka ku jiray.

Xidiga reer Masar ayaa waxaa waxyeelo kasoo gaartay garabka midig isagoona ilmada ceshan waayay intii garoonka laga saarayay.

Warar horu dhac ah oo la xiriira xaalada caafimaad ee Maxamed Saalax ayaa waxaa ay sheegayaan In xidigan ay suuro gal tahay in xulkiisa qaranka uu ku malali waayo koobka aduunka oo bisha soo socota Bartamaheeda si rasmi ah uga furmi doona dalka Rusia.

Jahaamiirta Reds ayaa Barta Twitterka waxaa ay ku faafinayaan in Ramos si kula tala gal ah xidigooda u dhaawaca islamarkaan ay arintaa tahay mid aan loo dul qaadan Karin.

Waa niyad jabkii ugu xumaa e xalay lasoo darsay Xidigaha,macalimiinta iyo Taaageereyaasha Kooxda Reds markii Garoonka laga saaray Maxamed Saalax.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.