TAAGEEREYAASHA REAL MADRID OO HAL CODSI USOO JEEDIYAY CRISTIANO RONALDO.

0
183

Taageereyaasha kooxda Boqorada Yurup ee Real Madrid ayaa waxaa ay u soo jeediyeen hal codsi Xidigooda Cristiano Ronaldo  oo aan kala cadayn ilaa haatan Mustaqbalkiisa uu ku sii joogayo garoonka ay ku ciyaarto kooxda Real ee Berna Bue.

Jamaahiirta los Balancos ayaa waxaa ay muujiyeen Rajo xumi ku aadan in ay waayaan Xidigooda Mucjisada ah ee kooxda la hiigsaday Guulo aad u waa wayn.

Markii kooxda Real Madrid ay Xaqiijisay ku guulaysashada Champions Leage waxaa inta badan Xidigaha kooxda ay ka codsadeen Cristiano Ronaldo  in uu baaqi ku sii ahaado garoonkooda oo uusan marnaba ka dhaqaaqin.

Qaarkood ayaa waxaa Baraha ay ku leeyihiin Twitter-ka ay soo dhigeen Qoraalo ay ku muujinayaan in aad u jecelyihiin in xidigani uusan meelna uga Dhaqaaqin Los Balancos.

Hadaba markii kooxda Real Madrid la gudoon siiyay koobka Champions Leage waxaa muuqanaysay in ay ku heesayeen Taageereyaasha iyo Xidigaha  hees erayadeeda ay kamid ahaayeen  Ronaldo sii joog Berna Bue.

Waxaanan wali lakala xaqiijin mustaqbalka xidigan ee garoonka  haatan uu ku ciyaaro wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in ay suuro gal tahay in uu ka dhaqaajiyo kooxda halka kuwo kalena ay tibaaxayaan in uu meelna uga socon.

Macalin Zidane waxaa uu si gaar ah taageero ugu hayaa xidigan oo uu si wayn ugu faano waxaana muuqan karta in uu u dhaba gali doono sidii uu ugu qancin lahaa sii joogista Berna Bue.

 

 

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.