Taliska Booliska oo shaaciyay in 82 ruux laga soo badbaadiyay weerarka Hotelka SYL

0
179

Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in Ciidamada amniga ay soo badbaadiyeen illaa 82 ruux oo isugu jira shacab iyo Mas’uuliyiin ku sugnaa Hotelka SYL oo caawa fiidkii ay weerareen rag hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.
“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL, iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka bannaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada ammaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka”ayay tiri Jen, Zakiya qoraal ay bartiisa Facebook soo dhigtay.
Sidoo kale waxaa ay ku baaqday in aan xiriir taleefan lala sameyn dadka shacabka ee la tuhunsan yahay inay gudaha Hotelka ku jiraan, inta howlgalka laga soo afjaro.
Waxaa kaloo ay ku wargelisay warbaahinta iyo dadka shacabka inay ka fogaadaan goobta howlgalka ka socdo, arrimo amni awgeed.
Dabley hubeysan oo lagu qiyaasay illaa shan nin oo dharka ciidamada watay ayaa qaab lug ah ku galay Hotelka, iyagoo rasaas ku bilaabay Ilaalada Hotelka, waxaa durbadiiba u suura gashay inay gudaha Hotelka galaan.
Inta la og yahay waxaa la xaqiijiyay illaa shan ruux inay ku geeriyootay weerarkaas, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.
The post Taliska Booliska oo shaaciyay in 82 ruux laga soo badbaadiyay weerarka Hotelka SYL appeared first on Jowhar Somali Leader News.




SOURCE: Taliska Booliska oo shaaciyay in 82 ruux laga soo badbaadiyay weerarka Hotelka SYL

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.