Taliska CXD oo jawaab lama filaan ah siiyay Korneelka AMISOM ee u gafay SOMALIA (Akhriso)

0
316

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo wargeyska lagu magacaabo Foreign Policy uu qoray warbixin meel ku dhac ku ah ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, ayaa waxaa arrintaasi ka jawaab celiyay Taliska ciidamada Xoogga dalka.
Taliska ciidamada xoogga ayaa sheegay in arrin aad u fool-xun ay tahay in lagu xadgudbo arrimaha ciidamada Qaranka, iyadoo la adeegsanaayo dhinacyo aan ka xogheyn ciidanka.
Waxa uu talisku sheegay in Korneelka ka tirsanaa AMISOM ee u waramay wargeyska Foreign Policy uusan wali heyn xaqiiqda ciidamada Somalia.
Taliyaha hoggaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare C/Xamiid Sheekh Cali Xaydar ayaa sheegay in arrimaha ciidamada Somalia ay tahay mid khuseeysa dowlada Somalia oo kaliya isla markaana latashi lagala sameyn doonin AMISOM.
G/sare C/Xamiid Sheekh Cali, oo wareysi kooban siiyay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay qalad tahay in Sarkaalka ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Ciidamada Uganda uu sharaf ka dhac ku sameeyo ciidamada qalabka sida ee Somalia oo aan waxba ka khuseyn.
G/sare C/Xamiid Sheekh Cali, waxa uu sheegay in ciidanka AMISOM ay Somalia ku joogaan nidaam islamarkaana uu iskaashi kala dhaxeeyo ciidamada xoogga dalka, waxa uuna tilmaamay in AMISOM ay Soomaaliya u joogaan in ay la dagalamaan Al Shabaab wixii intaa dheerna aanu waxba ka khuseyn arrimaha hoose ee Somalia.
Waxa uu sheegay in AMISOM aan looga baahneyn in ay xumaan ka sheegaan ciidamada xoogga dalka oo uu sheegay inaysan ka khibrad iyo awood badneyn xiliga iminka la taagan yahay.
G/sare C/Xamiid sheikh Xeydar waxa uu sidoo kale sheegay in sarkaalka u dhashay Uganda uu isaga aqoon dheeri ah uu u leeyahay Doonfaarka uu sheegay, hase yeeshee uusan arrinkaasi khuseyn.
“Ninka korneelka lagu sheegay ee u waramay wargeyska waxa uu ku maskaxda yahay un’buu sheegay haddii uu aqoon u laheyn Doofaarka uu sheegay tusaale uma uusan soo qaaten marka waxaan leenahay xoolaha kan uu ugu jecelyahay yahay ayuu ishaartay”
Sidoo kale, G/sare C/Xamiid sheikh Xeydar waxa uu tilmaamay in Uganda markii ay bur bursaneed ay Somalia ciidamo ka socda  tageen dalka Uganda islamarkaana halkaasi ay ku caawin jireen shacabka reer Uganda, hase yeeshee iminka ay ku awaal-dhaceen Somalia.
Dhinaca kale, dhismaha ciidamada qalabka sida ayuu sheegay in ay hortaagan yihiin dalalka ay ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xariiqay qarashaadka lagu bixin lahaa dhismaha ciidamada inay qaataan ciidamada AMISOM.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Taliska CXD oo jawaab lama filaan ah siiyay Korneelka AMISOM ee u gafay SOMALIA (Akhriso)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.