Taliska Xoogga Dalka Oo Sheegay Iney Wax Ka Qaban Doonaan Amniga Jubbaland

0
317

Taliska qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan ammaanka guud ee deegaannada Jubbaland.
Taliyaha qeybtan, Generaal Cali Maxamuud Bogmadow oo shalay xilkan kula wareegay degmada Garbahaarey ayaa sheegay in la dardargelin doono howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab.
Waxa uu taliyaha tilmaamay in ciidamada xoogga dalka ay Labo jibaari doonaan dedaallada ay ku doonayaan in Al-shabaab kaga saaraan gobollada Jubbaland.
“Ammaanka wax badan ayaan ka qaban doonnaa, nimanka Nabad diidka ahna waan la dagaallameynaa oo kama hari doonno inaan aan ka sifeynno gobolladan” ayuu yiri taliyaha.
Hadalkan taliyaha ayaa imaanaya xilli maalin kahor loo diiday inuu tago magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna diidmadaasi kala kulmay maamulka Jubbaland.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Taliska Xoogga Dalka Oo Sheegay Iney Wax Ka Qaban Doonaan Amniga Jubbaland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.