Muqdisho (Caasimada Online)-Taliyaha Ciidamada Militiriga dalka Jeneral C/weli Jaamac Gorod, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka ay ciidamada Militeriga ku hayaan dadka shacabka ah.
Taliyaha ayaa sheegay inaan loo dul-qaadan doonin tacadiyadaas ay geysanayan Ciidamada, waxa uuna ku goodiyay inay ka qaadi doonaan talaabo sharci ah.
Jeneral Gorod ayaa yiri “ Waqtigii hore Garaadada waa lagu xaragoon jiray laakiin hadda waa laga cararaa haddii Janan uu kaa soo hor baxo dadka waxay is dhahaan armuu kaa qaataa kista aad sidatid, laakiin arintaas way soo xirantay”.
Taliyaha Ciidamada Militiriga Jeneraal Gorod ayaa digniin u diray Ciidamada Militiriga wuxuuna ka dalbaday in ay ka gudbaan dhaca iyo boobka ay u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay usoo jeestaan dagaal ay la galaan Al-Shabab.
Hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidamada Militiriga dalka Jeneral C/weli Jaamac Gorod ayaa imaanaya xili todobaadkaan iyo kii ka horeyba ay Ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnay Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
READ MORE FROM THE SOURCE: Taliyaha Ciidamada Militiriga oo soo saaray Hanjabaad ku socta ciidamada