Taliyaha NISA ee Gogolka Banaadir oo Hub u socday Xuuthiyiinta Yeman kasoo iibsaday Jabuuti

0
267

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muran ayaa ka taagan hub ay dowladda Soomaaliya 22-kii bishii hore ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo isugu jiray 300 AK47, 300 Bastoolado iyo agab kale, waxaana shaki badan laga muujiyay sharciyadiisa iyo qaabkii loo soo dejiyay. bastoolado,
Hubkan ayaan lagu xareyn Bakhaarada ciidamada, isla markaana waxaa la wareegay Hay’adda NISA, iyadoo aysan la socon madaxda sare ee NISA iyo xukuumadda Soomaaliya, marka laga reebo Taliyaha NISA ee G/Banadir Saadaq John iyo madax gaara.
Warbixinta waxay soo bandhigay in hubkaasi laga soo iibiyey dalka Jabuuti isagoo ahaa suuq madow oo hore loo qabtay Badda Cas una socda Xuuthiyiinta dalka Yeman.
Waxaa kale oo su’aal ka taagan tahay sharcinnimada hubkan oo la sheegay in laga qabtay badda cas. ayna qabteen ciidamada xeebaha ee Jabuuti, waxaana la aaminsan yahay inuu u socday mucaaradka Xuutiyiinta ee ka dagaalama Yemen.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in hubkan la geeyey kayd hub oo aan ahayn kii dawladda, isla markaana aysan keenistiisa ka wada warqabin laamaha dawladda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
https://av.voanews.com/clips/VSO/2018/07/03/5fb54c75-222f-495c-a002-21725c265319_32k.mp3




READ MORE FROM THE SOURCE: Taliyaha NISA ee Gogolka Banaadir oo Hub u socday Xuuthiyiinta Yeman kasoo iibsaday Jabuuti

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.