Taliye xigeenkii hore ee hay’adda NISA oo ka warbixiyay xaaladda amni iyo shaqo ka joojinta T/Xigeenada NISA (Video)

0
169

(Caasimada Online – Muqdisho) Taliye xigeenkii hore ee hay’adda Nabad Sugidda NISA Ismaaciil Cusmaan oo wareysi siiyay telefishinka Universal barnaamijkiisa dabagalka wararka aya si qoto dheer uga hadlay shaqo ka joojin lagu sameeyay taliye xigeenadii hay’adda NISA, Cabdalla Cabdall & Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Warqad ka soo baxday xafiiska agaasimaha NISA Xuseen Cusmaan Xuseen aya shaqo ka joojin lagu sameeyay labada masuul.
T/Xigeenkii hore Ismaaciil oo arrinta wax laga weydiiyay in ay tahay sharci shaqo ka joojinta lagu sameeyay labada masuul aya sheegay in sifo sharci ah loo maray shaqo ka joojinta, isagoo xusay in agaasimaha NISA uu awood u leeyahay in shaqada ka joojiyo ku xigeenadiisa haddii ay ka gaabiyaan waajibaadkooda shaqo.
Ismaaciil aya sido kale ka hadlay dabacsanaanta amniga magaalada Muqdisho, xili ay xiran yihiin jidadka isago taa ku tilmaamay in awoodda ciidanka aanay dhibta ahayn balse eedda dusha ka saaray in aay jirto qorsho xumo amni iyo siyaasadda amniga oo liidata. Ciidanka waa in ay helaan hoggaan ay dhab ka tahay howlgelintooda iyo asluubta ciidanka ayuu yiri Ismaaciil Osman.
Dhanka kale wuxuu sheegay in qaladaadka ugu waaweyn ay tahay in dhalinyaro ka soo goostay Shabaab lagu soo daro ciidanka ammaanka, qaarkoodna madax laga dhigo, waa midda fududeyneysa in cadowga ay helaan sirta iyo qorshaha amniga.
Mudane Ismaaciil aya sidoo kale ka hadlay xirnaanshaha waddooyinka in aay keenta hoos u dhac dhaqaale iyo caburin shacab, wuxuuna sheegay in aanay taa ku jirin xalka. Shacabka oo la caburiyaa waxa aay keeni doontaa cawaaqib xumo hor leh, waxana uu dowladda kula taliyay in aay xoogga saaraan sidii ay u kasban lahaayeen quluubta shacabka isla markaana ay la yimaadaan qorshe amni oo aanan ahayn wadooyin la xiro iyadoo taa la arkay natiijadeeda.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in labada masuul ee lagu sameeyay shaqo ka joojinta lagu helay danbiyo waaweyn oo isugu jira musuqmaasuq iyo lunsasho mushaarkii ciidanka iyo in ay bixin jireen xogaha dowladda iyago siin jiray dalal ka tirsan bariga dhexe.
Lama oga in maxkamad lasoo taagi doono iyo in si kale ay ku mudan doonaan ciqaab haddii lagu cadeeyo danbiyada lagu soo oogay.
Halka hoose ka daawo wareysiga T/Xigeenkii Hore Ismaaciil Cusmaan.





READ MORE FROM THE SOURCE: Taliye xigeenkii hore ee hay’adda NISA oo ka warbixiyay xaaladda amni iyo shaqo ka joojinta T/Xigeenada NISA (Video)

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.