Taliyihii Xabsiga Dhexe General Xirsiile oo shaqo joojin lagu sameeyay

0
9

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa shaaciyey in shaqo joojin lagu sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar General Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile,kadib markii lagu eedeeyay inuu u diiday maxbuus xanuunsan in lagu daweeyo isbitaal aan dowlada lahayn.

General Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile oo ah taliyaha xabsiga dhexe ayaa isaga oo ka jawaabayey eedeynta loo jeediyey waxa uu sheegay in aysan sharci ahayn in bukaan lagu daweeyo isbitaal aysan lahayn dowlada.

Afhayeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in shaqada laga joojiyey taliyaha Xabsiga Dhexe,isla markaana la baarayo sida uu ku dhacay kiiska lagu eedeynayo.

Maxbuuska oo geeriyooday gudaha isbitaal Martini ayaa la oran jirey Xasan Kurtun Calasow waxana uu ku xukunaa siddeed sano oo xarig ah.






SOURCE: Taliyihii Xabsiga Dhexe General Xirsiile oo shaqo joojin lagu sameeyay

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.