Talo ku socota muxaafadka iyo mucaaradka dowladda

0
249

Sida caadiga ah, inyar mooyee, bini-aadamka wuxuu taageeraa, durbaankana u tumaa, hadba dantiisa meeshay taallo, wuxuuna mucaaradaa, carabkana ku cambaareeyaa, muraadkiisa meeshuu ka waayo. Waxaase jira muxaafadnimo iyo mucaaradnimo ku dhisan dan guud, dadkuna u wada simanyihiin, taasoo ah dowladnimada.Dowladnimada waa mid ka dhaxeysa bulshada oo dhan. Ma jirto cid gaar u leh. Dadka madaxda ka ah, waxey u shaqeeyaan shacabka. Iyagana waxay booskaas ku matalaan bulshada. Qofna dantiisa gaarka ah kuma fushan karo. Waxaa lagu taageeraa howlqabadkooda ku aadan danta guud. Waxaana looga soo horjeestaa ka gaabintooda danta guud. Wixii intaas kasoo haraa waa xadgudub.Soomaaliya, kadib burburkii dowladdii dhexe, waxaa dhumay dhaqan iyo dhurba. Waxaa yar inta dowladnimadaas aragtay iyo inta si qoto-dheer ula qabsatay micnaha iyo qiimaha dowladnimada.Dowladdan hadda jirta waa ay ka saameyn badan tahay dowladihii hore. Waxay leedahay taageero aad u fara badan iyo mucaarad. Hase ahaatee, marka aad u kuurgasho labadaba, habka ay wax ku taageeraan iyo qaabka ay wax u dhaliilaan, badankood, waxaa kuu soo baxaya, inay khalad u fahmeen micnaha dowladnimada iyo waddanimada.Muxaafadku, waxay isugu jiraan laba nooc mid seddexaadna waa la heli karaa, waxaana si fudud u ogaan kartaa mid walba nooca uu yahay.Waa kan koobaade, waxay teegeere u yihiin shaqsi, waxeyse isu heystaan inay dowladda taageeraan. Kuna garo taas, marka, shaqsi dowladda wax ku dhaliilo amaba uu mucaarado, afka ayaa la goostaa, weerar aan ganbasho laheyn ayaa lala galaa. Aflagaaddo iyo canbaareyn ayaana dusha loo saaraa. Waxaa sir iyo saaq loo maraa side loo ceebeyn lahaa. Waxaase taasi ka darran, diin darana ah, in qofkii laga sameeyo muuqaallo iyo sawirro been abuur ah, si shaqsigaas sharaftiisa loo dhaawaco.Waxaadna garan kartaa, inaysan dowlad difaaceyne, balse ay shaqsi ku beel ah ama ku dano ah ay difaacayaan. Cadeynteeda, marka shaqsi ku heyb ahaa xilka laga qaado, muxaafadki durbadiiba wuxuu isu bedelaa mucaarad indho la’. Hebel oo kale, magaciisa ma sheegi karee waa buuxaan.Waxaa hubaal ah, danta guud difaaciddeed inaysan keeneyn, in shaqsi loo ceebeeyo ama lagu been abuurto.Waa midka labaade, waa kuwo dowladda taageersan, laakin qofka kasta oo dowladda wax ka sheega ama mucaarada, waxay u arkaan, qaran dumis, dowlad diid ama caado qaate. Taasi waxay ka dhigantahay,inaysan fahmin micnaha dowladnimo iyo waddanimo. Waxayna u baahanyihiin barashada dowladnimada iyo dastuurka.Dastuurka waxaa ku qoran, in  muwaadinku waxa dhaliilo karo, mucaarad noqon karo, fikirkiisana xor u yahay, mar haddii aanu hub wadan, oo ay eeddiisu afka ku egtahay.Dhinaca kale, Mucaaradka iyagu waxay isugu jiraan laba nooc. Waa kan horee, waa mucaarad indho la’aan ah, badankood markii ay dowladda ka waayeen danahooda gaarka ah, ayaa waxay noqdeen mucaarad xagjir ah. Burburka dowladda mooyee, wax kaleba dan uma arkaan. Aflagaado aan dhamaan iyo cadaawad joogta ah bay cawo iyo casir lasoo taaganyihiin.Madaxda uu nacebyahay darteed, ayuu dowladnimada u dulminayaa. Ma arko qiimaha qarannimada. Kaliya ee waxaa u muuqda, khaladaadka madaxda. Waxaa kaloo jira, mucaarad madaxda dhaliilsan, asii aan dowladnimada kasoo horjeedin. Waana kuwo tiro yar.Talo soo jeedin.Muxaafadka, waxaan leeyahay, dowladda ma ahan wax aad idinka leedihiin. Ma xuma difaaca dowladnimada, laakin, ha u caayin shaqsi hana u aflagaadeyn hana raadin ceybahiisa, maxaa yeelay taasi aduunyana waxba kuuma tarto aakhirana waa mid laguu soo joojin doonno. Waxaa kaloo habboon, inaad kala saartaan dowlaadnimada iyo madaxda meesha joogta. Madaxdu way tagayaan, laakin dowladnimada wey jireysaa. Aflagaadada iyo been abuurka aad geysatana waa mid aan kaa hareyn illaa iyo qiymaaha. U difaac dowladnimada si asluubeysan, adigoon qofna sharafkiisa meela uga dhicin.Mucaaradka, waxaan leeyahay, ma xuma inaad wax mucaaraddaan, laakin eed iyo aflagaado joogto ah is bedel kuma imaado. Dhaliil wax dhiseysa iyo talo wax tar leh baa dhaanta. kala saara qarannimada iyo cidda madaxda ah. Shaqsi waad ku dhaliili kartaan wax qabadkiisa, laakin inaad dowladnimada ku diidaan ma habboon.W/Q: Abdinasir Safaana Email: Safaanahaji@gmail.comAfeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid




SOURCE: Talo ku socota muxaafadka iyo mucaaradka dowladda

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.