Tartan Jagooyin Banaan oo Macalinimo

0
577

ةــيلاردـفلا ل الفـدراليــةاموـــصلا ةـيروـهمج

Jamhuuriyadda Faderaalka

جدـــــملج ميلقإ ةـــــموـــــكح

Soomaaliya

Dowlad Goboleedka Galmudug

يلاعلا ميلعتلاو ةيبرتلاةرازو

Wasaaradda waxbarashada, iyo

Tacliinta Sare

Somali Federal Republic

Galmudug ministry of Education, and Higher Education

Xafiiska Horumarinta Macalimiinta

Taariikh: June/27/2018
Ujeeddo: Tartan Jagooyin Banaan oo Macalinimo
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Galmudug wax:ay u soo bandhigaysaa macalimiinta soomaaliyeed tartan furan oo loo galaayo jagooyin ka bannaan wasaaradda waxayna kala yihiin sidatan hoos ku xusan:

Macalim wax ka dhigaya dugsiga hoose( Fasalka 1-4)
Macalim wax ka dhigaya dugsiga dhexe(Fasalka 5-8)

Macalimiintaas waxaa la doonayaa inay ka howl galaan dugsiyada dowlad Goboleedka Galmudug ee ku yaala Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Tayada iyo shuruudaha laga rabo baraha wax ka dhigaya dugsiyada hoose iyo dhexe:

Inuu leeyahay aqoon gaaraysa heer jaamacadeed oo ah qeybta waxbarashada (Bachelor of Education) ama dibloma laba sano oo ah qeybta waxbarashada (Diploma of Education)
Inuu ku gudbo ugu yaraan 80% imtixaanka qaadashada macalimiinta ee wasaaradda.
In da’diisu u dhaxayso 22-55 jir.
Inuu ka soo qaatay tababar macalinimo Jaamacad/Machad ay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya aqoonsan tahay.
Inuu leeyahay khibrad macalinimo oo ugu yaraan laba sano ah.
Inuu dhigi karo ugu yaraan afar maadooyinka dugsiyada hoose iyo dhexe lagu dhigo.
Inuu maskax ahaan caafimaad qabo.
Inuusan lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimi karta.
Inuu leeyahay akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay cudurada lays qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimi karta gudashada xilkiisa.
Inuusan horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay
Inuu oggol yahay in uu saxiixo heshiis isla markaasna uu ka shaqeynayo dugsiga loo diro.
Soo dalbashada dumarka aad ayaa loogu dhiira galinayaa.

Haddaba macalimiinta soo buuxisay shuruudahaas ee danaynaya jagooyinkaan bannaan waxay soo gudbinayaan codsiyada, CV, iyo shahaadoyinka oo leh tixraac sax ah
iyaga oo ku soo hagaajinaya E-mail kaan kaydka@gmail.com waxana cc siisaa galmudug.moe.dg@gmail.com
Waqtiga Dhicitaanka
laga bilaabo   27/06/2018   kuna eg   03/07/2018.
Tel: +252-615610204 ama +252617877087




READ MORE FROM THE SOURCE: Tartan Jagooyin Banaan oo Macalinimo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.