Tira koobka booliiska ee ka socday xarunta Kumaando Bulisiyo oo la warjeejiyey kadib weerarkii Hotel SYL

0
23

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya iyo taliska ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa si wadajir u joojiyay tiro koob ka socday xarunta Kumaando Buliisiyo ee ku taala meel u dhaw madaxtooyada.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in tiro koobka loo wareejiyay xarunta Janaraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in arrintaan ay sabab u tahay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee Al-Shabaab ay ku qaadday hotel SYL, habeenkii talaadada.
Dhinaca waxaa la joojiyay dhamaan isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.
Saddexda kontarool ee laga soo galo Villa Somalia ayaa saakay lagu gudbayaa ogolaansho taliska madaxtooyada Soomaaliya ah oo kaliya, halka markii hore lagu mari jiray aqoonsiyada dowladda.




SOURCE: Tira koobka booliiska ee ka socday xarunta Kumaando Bulisiyo oo la warjeejiyey kadib weerarkii Hotel SYL

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.