Tirada dadkii lagu waayey qarixii Ex-Control oo la shaaciyey

0
58

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan guddigii uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa shaaciyey tirada dadka weli lagu la’yahay weerarkii ka dhacay Ex-Control Afgooye.
Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in haatan la la’yahay illaa 20 qof oo isugu jira caruur iyo sidoo kale dad waa weeyn oo leh rag iyo dumar.
Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in caruurta la waayey ay gaarayaan illaa sideed oo 6 ka mid ah ay lab yihiin, halka labada kale ay dheddig yihiin.
Dhinaca kale guddiga ayaa sheegay in weli ay ku howlan yihiin raadinta dadkaasi, tirakoobka dadka weli maqan nolol iyo geero intaba.
Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in weli isbitaalka Madiina ay yaallaan meydad aan weli la aqoonsan oo la raadinayo ehelladooda, si loogu wareejiyo.
Qarxii Ex-Control oo dhacay maalin ka hor ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 100 qof, halka ay ku dhaawacmeen 48 kale oo u badnaa dad rayid ahaa oo aan waxba galabsan.
Weli ma jirto cidsi dhab ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan oo ka midnaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho.
Halkan hoose ka dhageyso Codka.


 
 




SOURCE: Tirada dadkii lagu waayey qarixii Ex-Control oo la shaaciyey

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.