Toogasho lagu dilay guddoomiye & ku xigeenkiisa oo ka dhacay Sh/ Dhexe
Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya toogasho xalay saqdii dhexe guddoomiye & ku xigeenkiisa loogu geystay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Toogashada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan la garan heybtooda ayaa waxaa loo geystay guddoomiyaha deegaanka Cadayga, Cabdulle Xasan Xaaji iyo ku xigeenkiisii, Cilmi Qooje Xasan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.
Wararka ayaa sheegaya in ragg dilka fuliyey ay xalay mas’uuliyiintaasi kaxeysteen, kuna toogteen meel banaanka ah deegaanka Cadayga ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dhacdadaasi oo dadka deegaanka ku abuurtay cabsi iyo wal wal xoogan.
Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka oo ku aadan dilkaasi.
Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay gaareen halkaasi, islamarkaana ay ka bilaabeen baaritaano lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey toogashadaasi.
Muddooyinkii dambe waxaa duleedka Balcad dhaq dhaqaaq xoogan ka waday Al-Shabaab oo inta badan weeraro jid gal ah ka fulisa waddada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, lamana xaqiijin karo in weerarkaasi ay iyadu fulisay.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com
SOURCE: Toogasho lagu dilay guddoomiye & ku xigeenkiisa oo ka dhacay Sh/ Dhexe