Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu u soo magacaabay Danjiraha dalkaasi u fadhin doona Somalia.
Madaxweyne Trump ayaa Danjire u magacaabay Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo horay uga soo shaqeegay dalal dbowr ah.
Danjiraha cusub ee uu soo magacaabay Trump ee lagu magacaabo Ambassador Donald Yukio Yamamoto ayaa da’diisa lagu sheegay 65-jir waxa uuna Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii.
Waxa uu danjirahaani mar soo noqday Madaxa Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.
Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia Waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii.
Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii.
Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire KMG ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii.
Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya.
Sidoo kale Magacaabida danjirahaani ayaa timid iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd.
Dhinaca kale, Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo lagu wado inuu ka shaqo galo magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa khibrad fog u leh danaha Mareykanka ee Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com
READ MORE FROM THE SOURCE: Trump oo ugu danbeyntii danjire cusub usoo magacaabay Somalia