Uhurru Kenyatta oo asmara u tagaya arin la xiriirta Al shabaab iyo dowladda Eritrea

0
60

Nairobi (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu booqasho ku tago dalka Erirea , halkaasi oo uu kula kulmayo madaxweynaha dalkaasi Mr Afawerki.Warbaahinta dalka Kenya ayaa shaacisay in Kenyatta uu dalka Eritrea u tagi doono arrimo ay kamid yihiin eedeymaha dowladaasi loo jeediyo ee ku aadan inay taageerto ururka Al shabaab oo dagaal kula  jiro Soomaaliya.Sanadkii 2011 waxaa dhulka ay maamulaan Al shabaab ku dagay labo diyaaradood oo loo heystay inay ka yimaadeen Asmara kuwaasi oo waday hub, walow dowladda Eritrea ay arimahaasi beenisay.Kenya ayaa u aragta Eritrea inay muhiim u tahay Al shabaab, islamarkaana waxaa Kenyatta uu doonayaa inuu isaga oo adeegsanaya diblumaasiyadda ka joojiyo Eritrea taageerada lagu tuhmayo inay siiso AL shabaab.Uhurru Kenyatta ayaa marar badan sheegay in dowladda Eritrea ay muddo dheer kamid aheyd dalalka dhibaatada ku ah amaanka bariga Qaarada Africa.Dowladda Eritrea ayaa marar iska fogeysay eedeyn kaga imaaneysay kooxda dabaqalka cunaqateynta dalalka Somalia iyo Eritrea oo aheyd inay taageerto Al shabaab.Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com 




SOURCE: Uhurru Kenyatta oo asmara u tagaya arin la xiriirta Al shabaab iyo dowladda Eritrea

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.