Uhuru: Ciidamadeena kama bixi doonaan Somalia xataa haddii ay Amisom ka baxdo

0
224

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ay AMISOM inteeda kale uga dambeyn doonaan Soomaaliya marka la gaaro 2020ka.Mr Uhuru oo ka hadlayay munaasibad ay gaaddo ka cayaar ku soo bandhigayeen Ciidan cusub oo ay dowladda Kenya qoratay ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay dooneyso in Ciidanka AMISOM aysan ka bixin Soomaaliya 2020ka.Waxaa uu sheegay in haddii AMISOM ay ku adkeysato qorshaheeda ka bixidda AMISOM ee Soomaaliya ay dowladda Kenya baaqi sii ahaaneyso inta ay Soomaaliya ka xasileyso.‘Kenya waxaa ay dooneysaa in qorshaha dib loo dhigo,haddii ay dhiciweyso isma dhiibeyno , ilaa dalkeenna, deriskeenna iyo Gobolkeenna uu nabad iyo xasillooni ka hela waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada’ ayuu yiri Mr Kenyatta oo Ciidanka cusub kula hadlay xero Milatari oo ku taalla Eldoret.Kenya waxaa ay Mushaarka Ciidankeeda Soomaaliya ka heshaa Qaramada Midoobey,waxaana mushaarkooda lawada bixinayaa Bisha july ee sanadka soo socda.Inkasta oo sida dowladda Kenya sheegtay Magdhowga Askarta uga wax yeellowda dagaalka Soomaaliya la dhimayo labada sano ee soo socota haddana Kenya waxaa ay door bideysaa in ay sii joogto Soomaaliya.Askarta AMISOM ayaa Bishii Mushaar ahaan u qaata $1,028,waxaana askarta toos koontadooda ugu dhacda $800 oo dollar halka inta kale dowladaha ku jira AMISOM sheegeen in miisaaniyadda dowladda lagu daro.Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com




SOURCE: Uhuru: Ciidamadeena kama bixi doonaan Somalia xataa haddii ay Amisom ka baxdo

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.