Ujeeddada ka dambeysay dagaalka ay ku hanjabeen musharaxiinta Puntland

0
260

Garowe (Caasimada Online) – Inta ugu badan Musharixiinta sanadkaan dooneysa inay ka qeyb galaan doorashada ka dhaceysa deegaanada Puntland ayaa hal qabsi ka dhigta inay weerarayaan deegaanada Somaliland ay ka joogto Sool iyo Sanaag.Ujeedada ka dambeysa arintaan ayaa la sheegay inay tahay inay doonayaan codadka dadka deegaanadaasi kasoo jeeda ee kamid noqonaya xubnaha baarlamanka ee maamulka Puntland, iyaga oo ku beer laxowsanaya inay deegaanadooda xoreynayaan.Sababta kale ee ka dambeysa ayaa ah inay jirto xiisad dagaal oo Qabali ah oo u dhaxeysa musharixiinta aan kasoo jeedin deegaanada Sool iyo Sanaag iyo maamulka Somaliland, taasi oo fursad kale u noqoneysa musharixiinta inay kula dagaalamaan Somaliland.Qaar kamid ah aqoonyahanada Puntland ayaa sheegay in musharixiinta ku dhawaaqda inay dagaal la galayaan Somaliland ay doonayaan inay dhiig kale ay daadiyaan, balse aysan xalka rasmiga ah dooneyn.Dad badan ayaa isweydiinaya deegaanadii uu horey u sheegay madaxweyne Gaas inuu kusoo celin doono gacanta Puntland sababta wali ay u maqan yihiin, waxaana hadda cariiri sii galay deegaanka Tukaraq.Musharixiinta waxay sheegeen in gobolada Somaliland iyo Puntland ku murunsanyihiin ay ka dhigi doonaan Aag dagaal, Waxaase isweydiin mudan xubnaha ay codadka ka doonayaan ee deegaanadaasi kasoo jeeda “Ma waxay deegaanadooda la doonayaan in dhiig ku daato”.Caasimada Online Xafiiska Garowe Caasimada@live.com




SOURCE: Ujeeddada ka dambeysay dagaalka ay ku hanjabeen musharaxiinta Puntland

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.