|

UK oo adeegyada ay bixiso safaaradeeda Muqdisho u joojisay cabsi darteed

London (Caasimada Online) –  Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Ingiriiska ayaa amray in safaaradda UK ee magaalada Muqdisho aysan bixin karin adeegyada Qunsuliyadaha, iyadoona lagu wargeliyey dhammaan dadka u dhashay dalkaasi.
Warkan ayaa lagu sheegay in dadka u baahan adeegyada safaaradda ay la xariiri karaan safaaradaha UK ee ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Addis Ababa ee Caasimadaha dalalka Kenya iyo Itoobiya.
UK ayaa go’aankan u sababeysay cabsi weyn oo ay ka qabto ammaanka magaalada  Caasimadda ah ee Muqdisho.
Sida lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK, waxaa jira macluumaad sheegaya in ay jiraan in weeraro argagixiso oo la qorsheynayo in ay ka dhacaan gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya.
Dowladda Ingiriiska ayaa ugu baaqday muwaadiniinteeda inay muujiyaan feejignaan dheeri ah, islamarkaana ay ka fogaadaan meelaha ay dadka isugu yimaadaan, sida hoteellada, munaasabadaha ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiinta dowladda iyo meelaha kale ee bartilmaameedka u noqon kara kooxaha weerarrada geysta.
Sidoo kale waxay dowladdu intaasi ku dartay in gudaha Soomaaliya marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ee Somaliland ay ka dhici karaan qatar dhinaca afduubka ah, sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska arrimaha dibadda ee UK.
Digniintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ee aad u yaraadeen weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliyo gudaha magaalada Muqdisho, taas oo loo sababeynayo xirnaashiyaha waddooyinka waa weyn ee ku yaalla gudaha Caasimada.
Caasimada Online
Xafiiska London
caasimada@live.com






SOURCE: UK oo adeegyada ay bixiso safaaradeeda Muqdisho u joojisay cabsi darteed

DAAWO WAREYSI IYO JAWAAB UU M. FARMAAJO KA BIXIYEY

Leave a Reply

DAAWO WAREYSIGA MADAXWEYNAHA

Recently Commented

  • Abdulqadir Tallman: Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galay aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii lagu dilay nawaaxiga...
  • Abdulqadir Tallman: Yaa qaadanaya lacag ay soo daabaceen Farmaajo iyo qashinka ku hareereysan? Yaa tuugo ku aaminaya...
  • Abdulqadir Tallman: Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in baaritaan ay ku wadeen xafiiska Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda...
  • Abdulqadir Tallman: Ololaha uu waayadan ku hayay Raiisulwasaare Kheyre baa halkaa la galy ee Farmaajo isaga iyo...
  • Mohamed Ali Hassan: Application