Ururka Al-shabaab oo sheegtay in ay dileen sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya

0
162

Afgooye (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ku dileen dulleedka degmada Nin la sheegay in uu horay uga tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya.
Laakiin Al-shabaab dhinacooda sheegay in qofkan ay dileen uu ahaa ku-simihii taliyaha nabad-sugida degmada Afgooye.
Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Guudle Mad Nuur , waxaana la dilay xilli uu kusii jeeday beer uu ku lahaa tuullo hoos timaada degmada Afgooye.
Ragga dilka geystay ayaa la sheegay in sidoo kale ay horay u sii kaxeysteen gaari yar oo uu watay marxuumka.
Laakiin maamulka gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Ninkan uusan ka tirsaneyn nabad-sugida Soomaaliya, laakiin uu ka mid ahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Gudooomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax Cabdulle ayaa sheegay in ninkaasi uusan ka tirsaneyn Nabad suggidda uuna ahaa Generaal hore oo ka tirsanaan jiray Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com




READ MORE FROM THE SOURCE: Ururka Al-shabaab oo sheegtay in ay dileen sarkaal ka tirsanaa nabad-sugida Soomaaliya

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.