Video: Ciidamada guutada lixaad oo 48 saac u qabtay Farmaajo iyo Kheyre

0
240

Baraawe (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolada dalka qaarkood oo cabasho ka muujinaya mushaar la’aan iyo garaam la’aan heysata Afartii bilood ee lasoo dhaafay.Guutada Lixaad ee ciidamada xooga dalka oo ku sugan degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in muddo Afar bilood ah aysan helin xuquuqdii ay lahaayeen, taasi oo dhalisay inay maanta cabasho ay muujiyaan.Saraakiisha ciidamadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muddo 48 saac ah u qabanayaan madaxda ugu sareyso dalka inay kaga jawaabaan cabashada ay muujinayaan, haddii aan laga jawaabina ay ka bixi doonaan degmada Baraawe oo muddo shan sano ah ay ku sugnaayeen.Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in Kaliya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre ay ka sugayaan jawaabta cabashadooda, waxaana sidoo kale ay sheegeen in dhibaatooyin badan ay la kulmeen mudadii shanta sano ee ay joogeen degmada Baraawe.Raashiin iyo Mushaar ayay sheegeen inaysan qaadan muddo Afar bilood, waxayna sheegeen in Raashiin la’aan aysan joogi karin, taasi oo noqotay caqabad aad u xoogan maadaama difaac ay ku jiraan.Ciidamada ayaa sheegay in sidoo kale ay qabaan dhibaatooyin u gaar ah, waxaana ugu horeeya in muddo afar sano ah aysan arag raashiin dhulka loosoo marsiiyay, isamarkaana kaliya dhanka badda ay ka heli jireen cuntadooda iyo adeegyada kaliya ay u baahan yihiin.Ku dhawaad 50 ruux oo askarta kamid ahaa ayay sheegeen inay badda ku waayeen, maadaama aysan a wood u laheyn in raashiinkooda dhanka dhulka loosoo marsiiyo.Caqabadaha kale ee ay la kulmeen ayay ku sheegeen inay tahay in ciidamada ku sugan degmada Baraawe aysan wada qaadan mushaarka, islamarkaana qaarkood la siiyay mushaarkooda halka kuwa kalana aysan qaadan.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Video: Ciidamada guutada lixaad oo 48 saac u qabtay Farmaajo iyo Kheyre

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.