Video: Haysom oo Biixi kala hadlay dagaalka Takuraq iyo wada-hadallada DF

0
329

Hargeysa (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa maanta oo Axad ah gaarey magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.Haysom oo soo dhawaynta Madaarka Cigaal kadib loo galbiyey dhinaca Madaxtooyadda ayaa kulan gaar ah wuxuu la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo badan.Qodobadda ay mas’uuliyiinta isla gorfeeyeen waxaa qayb ka ah cilqaadka maamulka Hargeysa kala dhaxeeya dowladda Soomaaliya,gaar ahaan dib usoo celinta wadahadallada hakadka ku jira, colaadda Somaliland iyo Puntland ee Tukaraq iyo amniga.Qoraal lagu soo daabacay barta rasmiga ah ee Twitter-ka ku leeyahay Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa intaas lagu daray in madaxda ay isla eegeen arrimo ku xeeran amniga gobolka horumarka iyo colaada Tukaraq.“Isagoo ku sugan Hargeysa, mar sii horeysay oo maanta, wakiilka UN-ka, Nicholas Haysom, wuxuu la kulmay Madaxwaynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ay kawada hadleen arrimo kala duwan oo ay ku jiraan, xiriirka dowlada Soomaaliya, amniga gobolka, horumarka iyo muranka kala dhaxeeya deriskoosa Puntland ee Tukaraq,” ayaa lagu yiri warka.Safarka Nicholas Haysom ee Hargeysa ayaa kusoo aadaya xili uu shalay oo Sabti ahayd uu Garowe ay ku kulmeen Madaxwayne Cabdiwali Gaas, oo ay isla faaqideen arrimo ku xeeran colaada Sool, qaabka loo xalin karo iyo khilaafka dalka ka jira.Tan iyo markii ay ciidamada Somaliland dagaal kula wareegeen Tukaraq oo ay dagaalo goos-goos ah ay ka dhaceen dhowr jeer, waxay beesha caalamka cadaadis ay ku saareysay dhinacyadda inay miiska wada hadalka yimaadaan si loo qaboojiyo xiisadda.Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi dhammaaday Warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahiyey waxyaabaha sida gaarka ah ay uga wada-hadleen madaxweynaha iyo wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoowe waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri,“Waxa laga wada hadlay dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid tahay arrinta nabadgelyadu, is-kaashiga Qaramada Midoobay iyo Somaliland, arrimo la xidhiidha wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo amuuro kale oo labada dhinacba danaynayeen.”Haysom ayaa sidaan oo kale maamulka Puntland kala hadlay sidii loo soo gabagabeyn lahaa Dagaalka Deegaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan dagaalyahano ka kala socda maamulka Puntland iyo Somaliland.




SOURCE: Video: Haysom oo Biixi kala hadlay dagaalka Takuraq iyo wada-hadallada DF

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.