Video: Xildhibaano shaaca ka qaaday dad ay dowladda ula dhaqantay sida Yahuuda u gasho Falastiiniyiinta

0
279

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay howl-gal a ciidamada dowladda ka sameeyeen xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.Hawlgalladan ayaa ahaa kuwa lagu burburinayay dhismayaal degaan, waxaana khasaare uu kasoo gaaray dadkii degganaa kuwaas oo qaarkood la dilay, qaarna hantidoodii cagta la mariyay, sida ay xildhibaanada sheegeen.Wasiirkii hore ee amniga C/risaaq Maxamad iyo xildhibaano la socday oo booqday deegaanka ayaa sheegay in dowladdu ay hawlgalkan ku dishay afar qof oo qaraabo ah.Waxa uu sidoo kale sheegay in habkii dadkaas loola dhaqmay ahayd sida ay ciidamada Yahuudda ula dhaqmaan shacabka Falastiin oo kale.Dhinaca kale, gudoomiyaha maamulka degmada Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan ayaan falkan waxba ka qaban, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in xildhibaanada ay dalbadaan in xilka laga qaado, ayaga oo ku eedeynaya inuu gabay mas’uuliyaddiisa.Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka:Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: Video: Xildhibaano shaaca ka qaaday dad ay dowladda ula dhaqantay sida Yahuuda u gasho Falastiiniyiinta

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.