W/Kaluumeysiga oo shaaciyay kaluumeysi sharci daro ah oo dalalka deriska la ah Somalia ka wadaan xeebaha

0
233

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiib sharci daro ah ay ka kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya.Cabdullaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in maraakiibta ka kaluumeysto xeebaha Soomaaliya ay qaarkood ka socdaan dalalka deriska la ah Soomaaliya.Wasiir Bidhaan, ayaa sheegay in maraakiibtaasi aysan heysan sharci ay kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in arintaasi ay saameyn weyn ku yeelan doonto kaluumeysatada Soomaalida.Inka badan 300 maraakiib ayuu sheegay inay si sharci daro ah kaga kaluumeystaan xeebaha Soomaaliya, isaga oo sheegay in maraakiibtaasi aan loogu dulqaadan doonin howlaha ay ka wadaan xeebaha.Dhinaca kale wuxuu sheegay in hadal heyn badan ay ka dhalatay ruqsad ay siiyaan maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha, kuwaasi oo uu sheegay inay heystaan fursad ay kaga kaluumeysan karaan xeebaha Soomaaliya.Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com




SOURCE: W/Kaluumeysiga oo shaaciyay kaluumeysi sharci daro ah oo dalalka deriska la ah Somalia ka wadaan xeebaha

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.