Waa kuma Saxiixa 3aad ee uu isha ku hayo macalin Jose Mourinho.

0
120

Kooxda Man United ayaa la filayaa in ay saxiixeeda 3-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga ku dhawaaqdo maalmaha yar ee soo socda iyada oo la soo wareegaysa Goolhayayaha Lee Grant.
Goolhayahan 35 jirka ah ayaa kooxda Red Devils ugu soo biiri doona in uu noqdo goolhayaha 3-aad ee xilli ciyaareedka dambe kana dambayn doona Goolhayayayaasha David De Gea & Sergio Romero taas oo Goolhayaha da,yarka ah ee Joel Pereira u ogolaan doonta in uu amaah ku boxo.
Grant ayaa heshiis kula jira kooxda Stoke ee Ka dhaadhacday horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore isaga oo ka dambeeyay goolhaye Jack Butland.
Hadaba waa Kuma Goolhayaha Ku Dhaw Kooxda Man United? waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa wax walba oo aad uga baahantahay in aad ka ogaato.
Magaca:Lee Grant
Taariikhda Dhalasha: 27 January 1983

Booska Uu Ka Ciyaaro: Goolhaye
Magaalada Uu Ku Dhashay: Hemel Hempstead, England
Halkee Ayaad Horay Ugu Aragtay?
Grant ayaa haatan heshiis kula jira kooxda Stoke City waxana uu Man United uga hor yimid ama la ciyaaray 2 jeer xilli ciyaareedkii 2016/2017.
Grant ayaa ku guulaystay xiddiga ugu fiican kulankii ay Stoke bar-baraha 1/1 ah la gashay United October 2016 iyada oo Stoke Markaas dhibic ka heshay old Trafford.
Waa Maxay Taariikhda Xirfadiisa Ciyaareed?
Grant ayaa kulankiisii ugu horeeyay saftay 2000 isaga oo u ciyaaray kooxda Derby County waxa uu 7 sano ku qaatay amaaho loogu kala diray kooxaha Burnley & Oldham Athletic ka hor intii uuna si toos ah ugu biirin Sheffield Wednesday markii uu dhamaaday heshiiskiisu.
Waxa uu Goolhayaha 1-aad ka ahaa kooxda Sheffield Wednesday muddo 3 sano ah kor intii uuna 3 sano dib ugu laaban Burnley.
Markii uu heshiiskiisu dhamaaday 2013 waxa uu dib ugu laabtay Derby County ka hor inta ayna amaah ku siin Stoke City sanadkii 2016/2017 isaga oo joogay muddo 6 bilood ah badalna u ahaa Goolhaye Butland oo dhaawacnaa.
Waxa uu kulankiisii ugu horeeyay ee Premier League saftay bishii September 2016 kadib markii uu qaab fiican soo bandhigay waxa uu si toos ah ugu wareega Stoke City suuqii January 2017.




READ MORE FROM THE SOURCE: Waa kuma Saxiixa 3aad ee uu isha ku hayo macalin Jose Mourinho.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.