Waa kuma xidiga ugu horeeya ee ay Barcelona soo qaadanayso Bisha July.

0
135

warbaahinta wax ka dhahda arimaha ciyaaraha ee dalka Spain ayaa waxaa ay si wayn u lafa guarayaan xidiga ugu horeeya ee bisha july ay soo qaadan doonto kooxda Barcelona.
Waxaa la fahansan yahay in kooxda Barcelona masuuliyiinteeda dajiyeen qorshahooda suuuqa kala iibsiga ciyaartooyda waxaana la ogaaday xidiga ugu horeeya ee ay kooxda heshiiskiisa dhamaystirayso in uu yahay xidiga u dhashay dalka france daafacana ka ciyaara ee lagu magacabo Clement Lenglet.

xidigan oo haatan u ciyaara kooxda Savilla ayaa waxaa uu dhawaanahaan uu halkaasi kusoo bandhigayay Qaab Ciyaareed Cajiib ah.
Tababaraha Barca ayaa isha si wayn ugu haya waxaana la aaminsan yahay in ay kusoo qaadan karaan ilaa 35 milyan oo euro.
 
Clement Lenglet waa xidig heer caalami ah hadii uu kooxdan kusoo biirana isbadal wanaagsan samayn kara balse su’aasha lays waydiinayo ayaa waxaa ay tahay ma ogolaan doontaa savilla in ay iska fasaxdo.




READ MORE FROM THE SOURCE: Waa kuma xidiga ugu horeeya ee ay Barcelona soo qaadanayso Bisha July.

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.