Waa maxay Sababta Madaxweyne Farmaajo uusan u aqrin fariimaha loogu diro Twitterka?

0
16

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi
Farmaajo ayaa  ku biirey Twitterka bishii
December 2016 xilligaa oo uu u tartamayay xilka madaxtinimada Soomaaliya,waxana
tan iyo markaas saaxibo ama followers la noqday cinwaano gaaraya illaa 274,000,balse
waxa uu Madaxweynuhu saaxib folllower la yahay hal cinwaan oo kaliya.

Sida uu daabacay The Frontier halka cinwaan ee uu
follower ama saaxib la yahay  Farmaajo
ayaa ah  Villa Somalia ama Madaxtooyada
Soomaaliya. Waxana uu illaa 140 xaraf u qoray cinwaankaas oo aan ahayn mid
shaqsi uu leeyahay.

“Madaxweynuhu xitaa ma aqriyo qoraal uu shaqsi
kale  u soo direy balse waxa uu isaga
shaqsiyan bishii November oo kaliya direy 544 jeer.”ayaa lagu daabacay bogga
The  Frontier.

Madaxweynaha waxaa saaxibo ama followers la ah
inta badan madaxda dalka sida Ra’iisul Wasaare Kheyer kaasoo ku leh labo cinwaan
Twitterka.

Cinwaanada Ra’iisul wasaaraha oo ah Villa Somalia
iyo Somali PM oo xafiiskiisa laga maamulo ayaa waxaa ay leeyihiin inku dhow
78,000  oo saaxibo ama followers ah.

Hase yeeshee, wargeyska daabacay warbixintan ayaa
ku sifeeyay sababta uusan  Madaxweyne
Farmajo uusan u fiirineyn fariimaha dadka kale inay tahay isagoon dooneyn in
laga mashquuliyo howlaha kale ee uu hayo.

Dadka waxa ay u isticmaalaan Twitterka sidii ay u
heli lahaayeen akhbaaraad ayna fikradahoodu ula wadaagi lahaayeen dadka
kale,haddaba waa maxay sababta Farmajo uusan dadkale ula xiriireyn ayuu is
weydiiyay qofka qoray warbixintan?

Waxaa laga yaabaa inuusan Madaxweynuhu dooneyn inuu lugaha la galo arrimaha siyaasada dalkiisa ama inuusan dooneyn inuu ogaado waxa dadka kale ay sheegayaan.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ah
hogaamiyaha ugu badan ee caalamka dadku ku xiran yihiin cinwaankiisa Twitterka
ayaa leh illaa 47 cinwaan oo uu raaco ama saaxib la  yahay.

187 dal oo caalamka ku yaal ayaa bogga Twitterka cinwaano ku leh ha noqdaan shaqsi amaba hay’ado dowli ah.






SOURCE: Waa maxay Sababta Madaxweyne Farmaajo uusan u aqrin fariimaha loogu diro Twitterka?

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.