Waare Oo Furay Kalfadhiga Afaraad Ee Baarlamaanka Hirshabelle

0
311

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Furay  Kalfadhiga Afaraad ee  Baarlamaanka Hirshabelle, kaddib Munaasabad Ka dhacday Hoolka Baarlamaanka ee  Magaalada Jowhar.
Furitaanka kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Aqalka Sare, xubno Ka Tirsan labada Gole  ee  Baarlamaanka, Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, iyo marti Sharaf kale.
Waare ayaa Khubad ka jeediyay Furitaanka Kalfadhiga afaraad ee baarlamaanka waxaa uuna ka hadlay arrimo la xiriira amniga iyo siyaasadda gobolka.
Dhanka kale Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa hadal u jeediyay Baarlamaanka waxaa uuna kula dardaarmay in dar dargaliyaan howlaha horyaalla Baarlamaanka.
Goobjoog News




READ MORE FROM THE SOURCE: Waare Oo Furay Kalfadhiga Afaraad Ee Baarlamaanka Hirshabelle

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.